Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

U.S. ambassador to Soomaaliya telling Muuse Marqaan the reality

Recommended Posts

The ambassador tells as it is.

SAFIIRKA Mareykanka ee Soomaaliya oo shuruud ku xiray mucaawinada Soomaaliland

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Yamamoto ayaa ka hadlay wada-hadalada Soomaaliya & Somaliland, iyo cudurka Coronavirus, isagoona si yaab leh uga jawaabay su’aal laga weydiiyay mucaawinada Mareykanka ee ku aadan Somaliland, maadama ay ku doodo inay tahay dal ka madax-banaan Jamhuuriyada.

Safiirka ayaaa sheegay in xiriir wanaagsan kala dhaxeeyay Madaxdii kala duwaneyd ee talada Somaliland iskaga kala dambeeyay, isagoona si dad-ban u xusay in taageerada Mareykanka ee Somaliland ay door muhiima ka ciyaareyso midnimo labada dhinac, midaasi oo uu sheegay inay uga dan leeyihiin sidii ay Soomaaliya u noqon laheyd mid xoogan.

Donald Yamamoto ayaa aaminsan in haddii maamulada dalka iyo dowladda federaalku ay si wada-jir ah u shaqeeyan in wax badan lagu talaabsan karo, weliba xiliga adag ee dagaalka lagula jiro cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19.

Yamamoto ayaa sidoo kale banaanka soo dhigay rabitaanka Mareykanka ee ku aadan midnimada Soomaaliya, midaasi oo meesha ka saareysa doonista Somaliland oo iyadu muddo 30-sanno ah baadi-goobeysay ictiraaf aan miro-dhalin, iyada oo xiligan ay sareyso xiisada kala dhaxeysa dowladda federaalka.

Waxa kale oo uu carabaabay Safiirku in deyn cafinta Soomaaliya iyo la dagaalanka Covid-19 ay qeyb weyn ka qaadan doonaan doorka lagu rabo midnimada, maadama ay laga maarman u tahay in si isku mid ah u wajahaan, iyagoo koox keliya ah oo si wada-jira u wada shaqeynaya.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Yamamoto, ayaa arrimahaasi kaga hadlay shir jaraa’id oo dhawaan ku qabsoomay adeega ZOOM, iyada oo su’aalo kala duwana lagu weydiiyay, wuxuuna yiri “Waxaaan la shaqeeyey Madaxwayne Cigaal, 1998 markii loo dejinayay qaab dhismeed Somalia. Waxaan kadib la shaqeeyey dhamaantood, Rayaale iyo kuwii kale, hadana waxaan la shaqeeyaa Muuse Biixi. Hadda waxa jira dhawr arrimood oo socda. Ta koowaad waxa weeye in Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ee Abiy uu martigeliyay kullan dhexmaray Muuse Biixi iyo Madaxwayne Farmaajo, waana bilow aad u fiican”.

“Arinka kale waxa weeye in COVID-19 iyo sidoo kale dayn cafintu ay ku qasbayaan Somaliland iyo Somalia iyo maamul-goboleedyada xubnaha ka ah inay wada shaqeeyaan sababta oo ah Somaliland waxa ay sii xoogaysanaysaa marka ay taageero u haysato hamigeeda. Kenya, Itoobiya iyo Jibuuti waa muhiim, balse waxa ay ila tahay marka ay jirto isku duwid iyo iskaashi ka dhexeeya Somaliland iyo dawladda federaalka ah iyo dawlad-goboleedyada xubnaha ka ah oo u wada shaqaynaya hal mid ah inay noqon doonto mid xooggan”.

“Waxa ay ila tahay in arinku sidaas noqon doono. Waxaan arkaa rajo badan oo ay leeyihiin Somaliland iyo Somalia maanta oo ka badan tii aan qabay shalay, bishii hore, sanadkii hore iyo 1998. COVID-19 iyo dayn cafintu waxa ay ku qasbayaan dhamaan dhinacaydu wada-shaqeeyaan. Maraykanku wuu taageersan yahay., waxaanu doonaynaa inaanu aragno taageero buuxda oo la siiyo Somalia iyo Somaliland”.

“Waxaanu doonaynaa inaanu aragno taas, waanuna ka shaqayn doonaa sababta oo ah dadka Soomaaliyaa iyo Somaliland ayaa doonaya. anana markaas sidaas ayaanu la rabnaa. Way dhan tahay”.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Aqoonsiga ingriis baan maxmiyad u ahaan jirnay makeeni karto waa 2020kii, nasashadu waxay ka bilaabataa in kabaha layska bixiyo.

Reer galbeedku, waxay ka fekerayaan, hadii gobol la gooyo, kuwa kalena dhib baa kaa imaanaya, waa intaas sababta ay midnimadu muqadas uga tahay arigtida reer galbeedka.

5 madax weyne oo isku beela yaa sadex xusbi oo isku jufo ah soo dooratay, waa nadaamka puntlad, iyo jubaland looga dhaqmo, federaalka dhexena ma ogola sidoo kale, waa jamhuuriyado kale.

Maxaa u diidaya inay aqoonsi doontaan?

Mushkilada snm dheer tahay gobolada kale aratidayda waa xoriyad la'aanta iyo caburinta shacabka qofkii heesa, kii geeraara, kii hadla kii dhoofa iwm.

Waxay doonayaan nin sodon jir ah oo tahriib kasoo noqday wax shaqo haysan inay ku qanciyaan guriga agtiisa joog inta nala aqoonsanayo.

Yamamoto waa shaqadiisa inuu ka fekero, dad habaabay sidii loosoo heli lahaa.

Allahuma aslax axwaalnaa jamiican.

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

The ambassador is just an employee who will speak whatever the state department of the day tells him to. He hasn't changed Somaliland's course in all those years he has been working in the region and there is no obvious reason he can do anything to alter that course now. 

Unlike the political shenanigans in Villa AMISOM and their poor project in koonfuria, Somaliland doesn't exist or cease to exist based solely on the signatures and words of their foreign masters. 

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
23 hours ago, Tallaabo said:

The ambassador is just an employee who will speak whatever the state department of the say tells him to. He hasn't changed Somaliland's course in all those years he has been working in the region and there is no obvious reason he can do anything to alter that course now. 

Unlike the political shenanigans in Villa AMISOM and their poor project in koonfuria, Somaliland doesn't exist or cease to exist based solely on the signatures and words of their foreign masters. 

^^^^ 

lol.png

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalis at liberty on when elections take place-Amb. Yamamoto

The U.S will provide financial support for the upcoming elections but will not dictate when it should take place, the US ambassador Donald Yamamoto (pictured) has said.

Ambassador Yamamoto told journalists during a virtual presser Thursday Somalis are at liberty to decide when the polls take place but noted holding elections on time was critical.

“Election lies with the people of Somalia. If you want to decide to delay slightly, that is your decision,” ambassador Yamamoto said responding to a query on fears the ongoing COVID-19 might hamper preparations for the polls.

“What the US is going to do is to provide you the best advice and also the best support. Whatever you wanna do we will support you 100%,” ambassador Yamamoto said noting the US had already set aside funds for the exercise.

“We have money already committed now; about $6 million to run the election. We’re holding back about $4 million because we want to make sure that whatever we do it meets with the needs of the people of Somalia.”

Somalia is set to hold parliamentary elections expected to be on a one person one vote basis October this year with a new president to be elected early 2021.

Ambassador Yamamoto noted though it was critical to hold the elections on time, it was equally necessary to meet the requirements set in the constitution and agreed through political processes. These include ensuring a 30% quota for women and building the capacity of the electoral commission to effectively conduct the poll.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.