Saalax

Ethiopia closes Wajaale crossing due to fears of coronavirus entering from the north

Recommended Posts


Anyone who has the slighest clue about the geography, people movement, economic activities of these areas, will realize that Ethiopia has no reason to close any border in its south east.

Has never done so for any reason.

Logic dictates otherwise.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Maamulka hargaysa masuuliyad sax ah ma qaadi karaan waa waajib in layska ilaaliyo

Waxay dhaheen qaadka ma joojin karno oo madaxdaa cunta, laakiin masaajidada waan xiri karnaa sabtoo ah madaxdu kuma tukato.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xabashadii ayaa xadbeenaadkii xirtay, but Muuse Marqaanweyne jaadkiisa ma joojin karo. Dowladda dhexe waa inay arrintaan faragishataa, ban Xabashi jaad from Waqooyiga.

'Soomaaliland' oo caddeysay in aysan awood u lahayn joojinta Qaadka

Soomaaliland ayaa gacmaha ka taagatay wax ka qabashada qaadka ka yimaada dalka Itoobiya, xilli ay sii kordhayaan kiisaska cudurka Coranavirus ee gudaha degaanadaas.

Inta la ogyahay illaa shan qof ayaa laga helay cudurka Covid19. Waxaa xusin mudan in Somaliland ay kaga duwan tahay qeybaha kale ee Soomaaliya, waxaa magaalooyinka caanka ah sida Hargeya, Berbera, Boorame iyo Burco laga helay cudurka.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Koore, ayaa saxaafada u sheegay in Somaliland aysan lahayn awood ciiddan oo ay ku joojiso Qaadka. Wuxuu tilmaamay ciiddamada ay haystaan in aysan ka badnayn sugida amniga gudaha.

“Waxaanu qiimeynay waayo aragnimadii badnayd ee labadii jeer ee jaadka la joojiyay, 1983, 1984 iyo  tii Ingriisku joojiyay ee 1950. Waxaan ku ogaanay in joojintu Qaadku u baahan tahay ciiddan valunteer ah,” ayuu yidhi Saleebaan Koore.  

Itoobiya oo ah meesha uu qaadka ka yimaado cudurka Coronavirus ayaa ka dillaacay, inkastoo fiditaankiisu yar yahay marka loo eego dalalka geeska Afrika sida Kenya iyo Jubuti oo cudurku aad ugusii faafayo.

_____________

Secessionists cannot stay away from cooska jaadka even if their lives depend on it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Itoobiya oo xirtay xuduuda Tog Wajaale halkaasna ku daabushay ciidamadeeda milatariga iyo booliiska

 Saraakiisha ciidamada millatariga ee ka kala socda Itoobiya iyo Somaliland ayaa kulmay oo ka wada hadlay sidii loo fulin lahaa ka hortagga faafitaanka COVID-19 ee ku teedsan xadka magaalada Wajaale.

Ka-qayb-galayaasha waxaa ka mid ahaa Jeneral Zewdu Belay, Taliyaha Qaybta Bari ee Ciidamada Difaaca Itoobiya iyo Gaashaanle Sare Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha Ciidanka miltaraiga Somaliland iyo sidoo kale xubno ka tirsan booliska federaalka Itoobiya iyo saraakiil kale oo rayid ah.

Sareeye Guud Zewdu Belay, Taliyaha Qaybta Bariga Ethiopia, ayaa kulanka ka sheegay muhiimada la isugu yimid inay tahay sidii la xoojin lahaa dadaalada wadajirka ah ee lagu joojinayo dhaqdhaqaaqa dadka si looga hortago faafitaanka Coronavirus.

Sareeye Guud Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha Guud ee Ciidamada Somaliland, ayaa sheegay in COVID-19 ay durba waxyeelo ba’an u gaysatay ummadaha horumaray ee adduunka oo dhan. Si taas loo gaaro, wuxuu bogaadiyay howsha ay wado dowladda Ethiopia ee ah ka hortagga faafitaanka viruska isla markaana yareyso waxyeelada uu leeyahay

Wuxuu sheegay inuu ku raacay talaabooyin la qaadayo oo lagu joojinayo isu socodka dadka ee xuduudaha. Wuxuu sheegay Somaliland inay horayba u fulinaysay tallaabooyinkeeda si ay dadkeeda uga hor istaagto inay dhaqdhaqaaq ka sameyaan aagagga xudduudka ah ee Jabuuti iyo Itoobiya waxayna sii xoojin doontaa ayuu yidhi tallaabooyinkaas.

Xilligan, ciidamada difaaca federaalka iyo booliiska federaalka Ethiopia ayaa si wada jir ah u maareynaya xuduudaha u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland isla markaana hakinaya dhaqdhaqaaqa dadka.

Ciidamadu waxay booqdeen kontoroolka Tog Wajaale, oo durba la xiray.
 

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.