Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsanaa ciidamada DF oo lagu toogtay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa goor dhoweyd lagu dilay gudaha magaalada Muqdisho.

Askartan oo ka tirsanaa kuwa Canshuuraha ayaa lagu khaarijiyey toogasho gaadmo ah, xilli ay ku sugnaayeen isgoyska Ex-Control Afgooye, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Rag hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab ayaa askartaasi mar qura rasaas ooda kaga qaaday, iyagoo isla goobta ku geeriyooday.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dableydii fulisay weerarka ay goobta isaga baxsadeen, waxaana falka kadib meesha gaaray ciidan ka tirsan kuwa dowladda.

Illaa iyo hadda laamaha amniga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya kama hadlin toogashada loo geystay askartaasi.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ku qaada ciidamada dowladda ee ku sugan gudaha magaaladaMuqdisho.

Weerarkan ayaa imaanaya, xilli maalmihii la soo dhaafay ciidanka dolwadda federaalka, gaar ahaan kuwa Booliska ay xoojiyeen howlgallada lagu sugayo amniga caasimada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this