Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Dagaal goor dhow ka qarxay degmada Beled-Xaawo

Recommended Posts

Deeq A.   

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Warar goor dhow inaga soo gaaray degmada Beled-Xaawo ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka qarxay qeybo ka mid ah gudaha magaaladaasi.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegaya in dagaalka uu haatan ka socdo xuduudda ay degmadaasi la leedahay magaalada Mandheera, gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya rasaasta xoogeeda laga maqlayo aagaas oo maalmihii la soo dhaafay ay isku hor fadhiyeen ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana ilo deegaanka ah ay innoo xaqiijiyeen inuu dagaalka u dhexeeyo ciidamo uu hoggaaminayo wasiir Janan iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa gobolka Gedo ka taagnaa xiisado u dhexeeya ciidanka Jubbaland iyo kuwa dowladda oo la wareegay degmooyin ka tirsan gobolkaasi.

Faah faahinta kala soco: caasimada.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this