Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Soomaali Oo Xaaskiisa Ku Dilay Dalka Mareykanka Oo La Maxkamad La Soo Taagay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-San Diego)-Maxamed Cabdicasiis Kerow oo 46 jir ah waxaa shalay la soo taagay Maxkamadda Sare ee magaalada San Diego ee Gobalka Kaliforniya ee dalkaasi, isagoo loo haysto dilkii Xaaskiisa oo la odhan jiray Muna Salaad Kuri oo 36-jir ahayd.

Sida laga soo xigtay Baaraha Kiisaskaasi waxa uu Eedeysanaha dilay xaaskiisa ku-dhawaad hal sanno ka hor, isla markaana uu ka gudbay Xuduudka Maraykanka la wadaagodalka Meksiko.

Dhegeysiga Bilowga ee dacwadii shalay waxa uu Garsooraha Maxkamadda Sare ee San Diyeego, Joan Weber helay dhacdooyin ku filan oo Eedeysanaha loogu soo oogi karo Fal-dembiyeedka dilka iyo eedda ah inuu hub u isticmaalay dilka xaaskiisii hore.

Ku-xigeenka Baadhaha Daawadda ee dilkaasi, Drs. Bethann Shaber waxa ay sheegtay inay Marxuumadda u geeriyootay jug looga dhuftay dhanka madaxa, isla markaana laga jebiyey daanka, Ilig, sanka iyo dhaawacyo kale oo Mindi ah oo lagaga dhuftay Wejiga iyo qeybaha sare ee Jidhkeeda.

20200229_215037-750x430-1.png

Dhinaca kale, Laba gabdhood oo la dhashay Marxuumadda Muna Salaad Kuri ayaa waxay Maxkamadda shalay kaga markhaati fureen inuu sayga Walaashooda uu xaaskiisa ku eedeyn jireey inay ka qeyb qaadatay Filimadda Anshax-xumida, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Marxuumadda waxaa la sheegay inay Maraykanka qaxooti ahaan kaga soo gashay Kenya, iyadoo sannadkii 2015-kii guursatay saygeeda Maxamed Cabdicasiis Keerow, kaasi oo ugu dambayntii iyada dilay bishii March 4-dii ee sannadkii hore.

Eedeysanaha markii uu dilay xaaskiisa waxa uu u baxsaday dalka Meksiko, waxaana Saraakiisha Dembi-baadhista Boliska Maraykanka ee FBI-da u suurto-gashay inay Eedeysanaha gacanta ku soo dhigeen bishii March 20-dii ee sannadkii hore.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this