Sign in to follow this  
Deeq A.

Xarun ay laheyd Hormuud oo duqeyn lagu burburiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ay duqeyn ku garaaceen xarun ay shirkadda isgaarsiinta Hormuud ku laheyd degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi.

Duqeyntan ayaa lagu soo warramayaa inay dhacday deegaanka Xiis Guure oo 20 KM u jira degmadaasi, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale dadka aan la hadalnay ayaa inoo sheegay inuu jiro khasaaraha kala duwan oo ka dhashay weerarkaasi, balse aan shaacin karin inta uu lae’egyahay.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey duqeyntaasi, isaga oo sheegay in lagu burburiyey xarun ay laheyd Hormuud.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Shardi-1.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this