Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Qoor Qoor oo sheegay in ay la Heshiiyeen madaxweyne Xaaf

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka mamulka Galmudug Cali Daahir Ciid oo la hadlay  laanta afka Soomaaliga ee VOA, ayaa ka warbixiyey xaalada maamulka iyo qorshaha uga degan caleema raasrka Madaxweyne Qoor-Qoor.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in ay la heshiiyeen madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf, dhawaana ay  shaacin doonaan  qodobada ay  ku heshiyeen labada dhinac.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in dhawaan ay qabsoomi doonto xaflada lagu caleema saarayo madaxda sare ee maamulka Galmudug, isla markaana ay ka soo qeyb galayaan Madaxweyne Xaaf iyo hoggaanka Ahlu-Sunna.

Dhanka kale Cali Daahir Ciid madaxweyne ku xigeenka Galmudug  ayaa sheegay in askartii Ahlu-Sunna ee maalin ka hor Dhusamareeb kula dagaalamay ciidamada dowladda ay biiri doonaan ciidamada maamulka Galmudug.

Hadalka madaxweyne ku xigeenka ayaa imaanaya xilli maalmihii dambe dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu-Sunna ay ka socdeen magaalada Dhusamareeb iyo weliba Gurceel, in kastoo dagaaladaas looga itaal roonaaday ciidamada Ahlu-Sunna, taas oo kaliftay in ay is dhiibaan hoggaanka Ahlu-Sunna.

PUNTLAND POST

The post Maamulka Qoor Qoor oo sheegay in ay la Heshiiyeen madaxweyne Xaaf appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this