Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo la saftay Masar, una digay Ethiopia

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa uga digay Ethiopia inay ku dhaqaaqdo qorshaheeda biyo-xireenka webiga Nile, ayada oo aan heshiis la gaarin dalalka Masar iyo Sudan.

“Masar, Ethiopia iyo Sudan waa inay heshiis gaaraan ka hor inta aan  lasoo geba-gebeyn biyo-xireenka Nile, si looga hortago in qul-qulka biyaha uu dhaawac gaarsiiyo dalal kale,” waxaa sidaas yiri Wasiirka Maaliyadda Mareykanka Steven Mnuchin.

“Tijabaada kama dambeysta ah iyo buuxinta biyo-xireenka waa inaysan dhicin, ayada oo aan heshiis la gaarin,” waxaa sidaas yiri Mnuchin oo soo saaray bayaan kadib kulamo ka dhacay Washington 27-kii iyo 28-kii Febraayo, kuwaasi oo Ethiopia ay ka baaqatay.

Heerka bad-baadada caalamiga ah waa in la xaqiijiyaa ka hor inta la billaabin buuixnta biyo-xireenka, ayuu yiri Mnuchin.

Mnuchin ayaa xiisadda soo faro-geliyey sanadii tagtay, si uu u wada-hadalsiiyo dhinacyada kadib marki Masar ay sheegtay in wada-hadallad ay kula jirta Ethiopia ay meelna u dhaqaaqi waayeen.

Dowladda Ethiopia yaa ka hor-timid bayaanka uu soo saaray Mnuchin ee loogu digay, waxayna sheegtay inay wax ka qabatay arrimo kasta oo la xiriira amniga.

Waxay sidoo kale ku adkeysatay inay buuxin doonto biyo-xireenka marka dhismihiisa uu dhammaado.

“Ethiopia oo ah milkiilaha biyo-xireenka GERD, waxay billaabi doontaa buuxintiisa marka dhismaha uu dhammaado, si waafaqsan mabaadi’da sinaanta ee macquulka ah, ayada oo aan wax dhibaato ah sababin,” ayaa lagu yiri bayaan ay si wada jir ah usoo saareen Wasaradda Arrimaha Dibedda, iyo Wasaaradda Biyaha, Waraabka iyo Tamarta Ethiopia.

Ethiopia ayaa sheegtay in biyo-xireenka – oo noqon doona warshadda ugu weyn Afrika ee koronto ka dhalisa biyaha – uu muhiim u yahay dhaqaalaheeda.

Hase yeeshee Masar ayaa ka cabsi qabta in mashruucan uu waxyeeleyn karo webigan oo 90% soo saara biyaha laga cabo dalkaas.

Biyo-xireenka Dib-u-curashada weyn ee Ethiopia (GERD), waxa uu soo saari doonaa 6,000 oo megawatt oo koronto ah, marka lasoo geba-gebeeyo.

Biyo-xireenka ayaa qeyb ka ah qorshe ay Itoobiya ku dooneyso inay ku noqoto dalka ugu weyn Afrika ee korontada dhoofiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this