Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ka hadashay is-dhiibitaanka madaxda Ahlu-Sunna iyo wixii ka dhacay Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland Maxamed Dhabancad ayaa sheegay in dowladda federaalka ay u xoog sheegatay Ahlu-Sunna Waljamaaca, isla markaana ay ka xun yihiin in dowladdu burburisay hay’adihii dowliga ahaa ee ka dhisnaa Galmudug.

“Waxay dowladda dhexe xoog u sheegatay hay’adihii Galmudug oo runtii mudo dheer argagixisada la dirirayey, hubiyeyna in gobolladaas ay noqdaan kuwo nabad ah oo dadkoodi nabad ku naaloodaan, dhabtii aad ayaan uga xunnahay,” ayuu yiri wasiir Dhabancad.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa sheegay in Galmudug maanta lagu leynayo ciidankii loo tababaray inay la dagaalaan argagixisada.

“Iyadoo la adeegsanayo dhaqaalihii beesha caalamka in ciidankii qaranka lagu weeraro Galmudug, in loo daabulo Gedo, run ahaantii waa nasiib darro,” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa sheegay in arinta ka taagan dalka iyo nidaamka lagu maamulayo uu Puntland ku dhaliyey in ay iclaamiso shir looga tashanayo aayaha iyo halka loo wado dalka.

“Arrimahaas ayaa dhaliyey in Puntland ay tiraahdo war aan dib isugu soo noqano, oo aan tashanno oo markaas jiha cad qaadno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiirka arrimaha gudaha Puntland.

Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in dalka aan xoog loogu maamuli karin. “Hadii xoog wax lagu xalinayo Soomaali horay ayey ugu xalin laheyd oo waad la socotaan in xoog uu adeegsaday Maxamed Siyaad Barre uu dalka saan u burburiyey,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa dowladda dhexe ku eedeeyey in howlihii loo igmaday iyo qorshayaashii looga fadhiyey inta meel iska dhigtay in ay maanta oo la marayo 2020 ay dagaal hurineyso.

“Maanta mas’uuliyiinta dowladda federaalka wax yaabihii laga sugayey waxaa ka mid ahaa dhameys tirka dastuurka, dib u heshiisiin qaran, si xoog sheegashadii horay u dhacday dadka Soomaaliyeed looga xaliyo, markii taas la aadi lahaa, hadii dastuurkii meel la iska dhigay, meeshii dib u heshiisiin la aadi lahaana xabad horay laga bilaabay, iyadoo la marayo sanadkan 2020, runtii waa nasiib darro weyn,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Dhabancad.

Hoos ka daawo Dhabancad

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this