Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyaha Ahlusunna oo sheegay in uu ka tanaasulay Siyaasadda Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Hogaamiyaha Guud Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa ku dhawaaqay in uu guud ahaan ka tanaasulay arrimaha siyaasadda dowlad goboleedka Galmudug.

Hoggaamiyaha ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in dad Shacab ah ay ku dhintaan dagaallo markale ka dhaca Magaalooyinka Galmudug ee Ahlusunna gacanta ku haysay.

Macalin Maxamuud  waxa kale oo uu xusay  in Ciidankii iyo hubkii ay ku wareejiyeen Taliska ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaan ka tanaasulney go’aankeenii siyaasadeed ee Hogaaminta Galmudug , inagu diyaar uma nihin in markale dhiig daato ama bulshadu iska hor imaato , waxaan u taanaganahay doorkeenii diimeed iyo caqiiqada Ahlusunna Waljamaaca oo aan usii taagnaan doono ” ayuu yiri Hoggaamiyaha Ahlusunna.

Ciidamada Milatariga dowladda gaar ahaan Guutadda 15-aad oo u badan Ciidankii Ahlusunna ee la qarameeyay ayaa la wareegay Ammaanka Madaxda ugu sareysa Ahlusunna ee kala ah Macalin Maxamuud, Sheekh Shaakir , Ashcari iyo Saadaq Sheekh Yuusuf Direed.

PUNTLAND POST

The post Hoggaamiyaha Ahlusunna oo sheegay in uu ka tanaasulay Siyaasadda Galmudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this