Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahad Salaad: Galmudug ha looga turo colaada laga soo abaabulayo Villa Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay xiisada dagaal ee ka taagan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Mahad Salaad ayaa marka hore ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay dagaalladii ka dhacay Dhuusamareeb, isaga oo ku dhaawaca ah u rajeeyey caafimaad deg deg ah.

Sidoo kale wuxuu qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku sheegay in aan laga baaqsan karay dhibtaada iyo dhiiga ku daatay halkaasi.

Xldhibaanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dadka reer Galmudug looga turo colaad uu sheegay in laga soo abaabulayo Villa Soomaaliya.

Halkaan hoose ka aqriso:

Intii dhimatay Allaha unaxariisto inta dhaawaca ahna Allaha u boogo dhayo. Aamiin

Dhibaato laga baaqsan karay ayay ahayd in dhiiga dhalinyaradeena sidaas bahalnimada ah loo daadiyo. Nasiib daro dad ayaa u arkay in ay magac iyo mansab ku gaarayaan daadinta dhiiga walaalahood, waxayna aamineen beenta iyo balanqaadyada aan jirin ee Nabad iyo Nolol, lkn mar aan dheerayn ayay ogaan doonaan iyagoo kulansaday talo la’aan, tabar la’aan, wiil la’aan, walaal la’aan iyo waxa loo sheegay oo aan jirin!

Culimada waxaan leenahay dadkiina iyo deegaankiina ayaad u soo shaqayseen, wixii aad saxdeena abaal ayaa la idinkaga hayaa, Ilaahey agtiisana ajar ayaad uga helaysaan inshaa’allah ee sabra, waxaana la gaari doonaa maalin la idinkugu garaabi doono in aad dad badan ka saxnaydeen.

Waxaan mar labaad ku celinayaa in dadka reer Galmudug looga turo colaada laga soo abaabulayo Villa Soomaaliya dadka walaalaha ahna aan la kala dhex dhigin fidno qabiil iyo mahadhooyin aan la mahdin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this