Sign in to follow this  
Deeq A.

Ahlu Sunna oo shaacisay inay amniga ku wareejisay dowladda Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa hadlay xaaladda magaaladaasi iyo guud ahaan tan Galmudug.

Ugu horreyn Shaakir ayaa sheegay in amnigooda iyo guud ahaan kan Galmudug ay ku wareejiyeen dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in u tanaasuleen shacabka Galmudug, si looga gudbo caqabadaha haatan ka jira deegaanada maamulkaasi.

“Waxa aan u tanaasulnay shacabka, dhibaatooyinkii ka dhacay Caasimadaan waxa aan go’aansanay in aan soo afjarno, marka aan aragtay in dhib badan uu soo wajahan yahay, kana badan kii dhacay, horay waxaa amniga ugu dhiibnay dowladda, waxaana markale caddeynayaa in aan ku wareejinayay amniga Galmudug oo dhan, waana in ay mas’uuliyadda qaadaan, iyada ayaanna ku ognahay si ay usii hagaajiso” ayuu yiri Shaakir.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Ahlu Sunna ay ku dagaalameen magaalada Dhuusamareeb, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac intaba.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this