Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Xasuuqa Dhuusamareeb ka dhacay waa danbi dagaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in hubkii ciidanka Gaashaan ee loogu tala galay in lagula dagaallamo Al Shabaab ay gaysay magaalada Dhuusamareeb oo ay dagaal ka abuurtay.

Waxaa ilo xog-ogaal ah ii xaqiijiyeen in shalay galab dawlada federaalka ah Dhuusamareeb ka dejisay hubkii ciidan ka Gaashaan lahaayeen ee loogu tala galay in Alshabaab looga saaro Hoteelada ay qabsadaan. Waa hub derbiyada duleeliya, laaguna tala galay in meeshii lagu rido aanay suntiisa cidna ku noolaan, wuxuuna gubayaa qofkii uu gaaro ama ku ag dhaco” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxaa uu sheegay in ay tahay nasiib darro wayn in maanta hubkii dalka lagaga xorayn lahaa kooxaha argagixsada ah ay dawladdu ku weerarto magaalo Soomaaliyeed oo nabdoon.

Hubkaas iyo wiilashii ciidanka Gaashaan oo loogu tala galay la dagalaanka Alshabab amarkiisa waxaa si wadajir ah u go’aamiyey madaxweynaha, raysalwasaaraha iyo taliyaha nabadsugida. Waa in la ogaado in xasuuqii xalay Dhuusamareeb ka dhacay uu danbi dagaal yahay”.

Hoggaamiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur  ayaa sidoo kale sheegay haddii khilaaf ka dhexeeyay dowladda Federaalka iyo Ahlusunna in loo baahnaa wada-hadal iyo waan-waan in lagu dhammeeyo balse aysan marnaba wax la qaadan karo ahayn in dagaal iyo awood ciidan la doorbido.

PUNTLAND POST

The post Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Xasuuqa Dhuusamareeb ka dhacay waa danbi dagaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this