Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo eedeymo culus u jeedisay Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Danjiraha Soomaaliya u jooga xarunta QM, Ambassador Abuukar Daahir Cusman waxa uu hadalkaasi ka sheegay Kulan ay Golaha Ammaanka ee QM yeesheen, wuxuuna si kulul ugu eedeeyey Ciiddanka Kenyaanka ku sugan gudaha Soomaaliya  inay deganaansho la’aan ka wadaan Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday QM inay tallaabo ka qaadaan Kenya.

Ambassador Abuukar Daahir Cusman waxa kale oo uu tilmamaay inuu sii xumaanayo xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya, islamarkaana ay DFS ku daashay dhammaan wadiiqoyinka Diplomaasiyadeed, si ay Kenya u joojiso faragelinta iyo deganaansha la’aanta ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Danjiruhu waxa uu ku eedeeyey dowladda Kenya inay fargelin ku heyso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, islamarkaana ay carqaladanayso  Dastuurka QM oo ay wadaan falal liddi ku ah nabadda

Dhinaca kale, Danjiraha Soomaaliya u jooga xarunta QM, Ambassador Abuukar Daahir Cusman  waxa uu sheegay inay qaadi doonaan tallaabo kasta oo ay ku difaaci doonaan xorriyadda iyo midnimadda dalka Siomaaliaa.

Kenya waxaa haatan Soomaaliya ka jooga 3500 Askari, kuwaasi oo qeyb ka ah ciiddanka howllgalka AMISOM oo tiradooda guud dhan tahay 20,000 oo askari oo ka kala socda dalalka Jabuuti, Ethiopia, Uganda, Burundi iyo Kenya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this