Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur oo shaaciyey cida ‘go’aamisay’ hubka iyo ciidanka lagu weeraray Ahlu Sunna

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay dagaalladii ciidamada dolwadda iyo kuwa Ahlu Sunna ku dhex-maray gudaha magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Qoraal uu siyaasigan soo dhigay bartiisa Facebkook-ga ayaa wuxuu ku sheegay in shalay dowladda federaalka Dhuusamareeb ay ka dejisay hubkii ciidanka Gaashaan ee loogu tala galay in Al-Shabaab looga saaro marka ayu weerarada ku qabsadaan Hoteelada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in amarka lagu weeraray hoggaanka Ahlu Sunna ay si wadajir ah u bixiyeen madaxweynaha, ras’iisul wasaaraha iyo taliyaha NISA.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dadkii ka soo horjeeday Ahlu Sunna ay ku faraxsan ‘xasuuqa’ loo geystay dhalinyaradii sanadaha badan deegaanka ka ka hortaagnaa Al-Shabab, sida uu hadalka u dhigay.

Halkaan hoose ka akhriso:

Waxaa ilo xog-ogaal ah ii xaqiijiyeen in shalay galab dawlada federaalka ah Dhuusamareeb ka dejisay hubkii ciidan ka Gaashaan lahaayeen ee loogu tala galay in Alshabaab looga saaro Hoteelada ay qabsadaan. Waa hub derbiyada duleeliya, laaguna tala galay in meeshii lagu rido aanay suntiisa cidna ku noolaan, wuxuuna gubayaa qofkii uu gaaro ama ku ag dhaco.

Hubkaas iyo wiilashii ciidanka Gaashaan oo loogu tala galay la dagalaanka Alshabab amarkiisa waxaa si wadajir ah u go’aamiyey madaxweynaha, raysalwasaaraha iyo taliyaha nabadsugida. Waa in la ogaado in xasuuqii xalay Dhuusamareeb ka dhacay uu danbi dagaal yahay.

Dawlada Federaalka ah iyo dadkii ka soo horjeeday Ahlusunna waxay ku faraxsan yihiin xasuuqa loo geystay dhalinyaradii sanadaha badan deegaanka ka ka hortaagnaa Alshabab, iyo xaqiraada lagula kacay hogaankii Ahlusunna. Dawlada Federaalka ah iyadoo heli kara wado waan waan iyo wadahadal ah ayey dagaal iyo colaad ka doorbiday. Waa wado ay sedaxdii sano ee na dhaaftay ku taagnayd.

Hogaanka Ahlusunna maalintii ay tabarta hayeen way tala diideen, waxayse su’aashu tahay inta kale ee maanta weli tabarta haysa, ma haleeli doonaan talo ay xasuuqa iyo xaqiraada ku soo fool leh isaga badbaadiyaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this