Sign in to follow this  
Deeq A.

Fiqi iyo Odowaa oo war ka soo saaray dagaalka ka dhex qarxay DF iyo Ahlu-Sunna

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Macallin Fiqi iyo Cabdiraxmaan Odowaa oo ah xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, lagana soo doorto Galmudug ayaa soo saaray qoraallo ku aadan dagaalka ciidamada dowladda iyo Ahlu-Sunna ku dhex-maraya magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel.

Qoraalka Axmed Macallin Fiqi

Waxaan codkayga ku biirinayaa inta nabadda jecel ee ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo colaadda iyo dagaalada Magaalada Dh-Mareeb ka socota.

Ciidamada dawladda federaalka ah ay ka daad-guraysay Xamar hadafka laga lahaa waa In loo adeegsado dagaal lagu qaado culimada ASWJ, oo deegaanadaas ka xoreeyey kooxda Alshabaab, ma jirto nasiibdarro ka weyn in Alshabaabkii oo aan halkaas ka fogeyn aan wax dagaal ah lagu qaadin balse Taas bedelkeeda ASWJ dagaal lagu ekeeyey.

Waxaan ku baaqayaa dhinacyada kala duwan in arrimaha siyaasadeed ee la isku hayo lagu xalliyo si nabad iyo wadahal ah.

Qoraalka Cabdiraxmaan Odowaa

Waxaa ayaan daro ah maanta colaada ka oogan Dhuusamareeb, waxaa aad ii damqaya Shacabka waxyeelada kasoo gaartay ee korkeeda lagu dirirayo Dowlada Fedraalka iyo Ahlu Suna waxaan ugu baaqaayaa in la joojiyo dagaalka oo xal aan qori aheyn wax lagu raadiyo.

Waxaan ka codsanayaa Odoayaasha dhaqanka, Waxgaradka iyo dhamaan ree Galmudug in loo kaco daminta colaada iyo xalka Galmudug.

“Kugu-dhimayoo-kaa-dhimay waa huq”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this