Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo duqeyn lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya howlgalka saaxiibada Mareykanka ayaa fuliyey duqeyn xagga cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab meel u dhow deegaanka Dujumma oo qiyaastii 6 Km u jira degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe.

Saraakiisha howlgalkaasi hoggaaminaysay ayaa warbaahinta dowladda u xaqiijiyey in sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay weerarkaasi.

Sidoo kale warbixintaan ayaa lagu sheegay in aysan jirin waxyeelo soo gaartay dadka rayidka ah intii uu socday howlgalkaasi.

Muddooyinkii dambe ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howlgallada iyo dhaq dhaqaaqyada Milatari ee ka socda gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this