Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Difaaca iyo Taliye Odowaa oo hortegay BF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shir guddoominayay Kulanka guud ee Golaha Shacabka oo maanta Ajendihiisu ahaa Su’aal oraaheed ku abaaran Wasiirka Wasaaradda Difaaca Dalka Mudane Xasan Maxamed Cali “Amardambe”, iyo Taliyaha ciidanka xooga dalka Odawaa yusuf raage

Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Ayaa su’aalo ku saabsan Arrimaha Ciidamada weydiiyay Wasiirka oo isaga Oo ay wehliyaan wasiir kuxigeenka Difaaca iyo Taliyaha Ciidanka Xooga dalka si toos ah uga jawaabayay su’aalaha ay Xildhibaanadda weydiinayeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay Ciidamada amaanka looga baahanyahay in ay Xildhibaanadda xasaanada ay leeyihiin ku ixtiraamaan iyagoo Sidoo kalena muhiimad gaar ah siinaya sugida amniga iyo ka feejignaanta dhagaraha kooxaha nabad diidka ah Sidoo kalena Xildhibaanadda dhankooda looga baahanyahay in Ciidanka Qaranka mar walba taageeraan shaqadoodana ku ixtiraamaan.

Image may contain: 2 people, indoor

Image may contain: 1 person, sitting, table and indoor

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this