Sign in to follow this  
Deeq A.

K/ Galbeed oo ka arrinsatay fatahaadaha Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Shir ay ka qeyb galeen wasiiro ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo xubno ka mid ah maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa maanta lagu qabtay M/Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyey wasiirka boostada isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa shirka warbixin looga dhageystay guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, Ibraahim Aadan Najax oo ka warbixiyey xaaladda adag ee degmada Afgooye.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhibaatada ka taagan degmadaasi ay tahay mid daran, islamarkaana dadka ay saameeyeen fatahaaduhu u baahan yihiin gurmad degdeg ah.

Ugu dambeyn mas’uuliyiintii ka qeyb gashay kulanka ayaa isla gartay in isbuucaan gudihiisa deeq gaar gaar ah la gaarsiiyo degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

Dhowaan ayey aheyd markii wabiga Shabelle uu fatahaad hor leh ka geystay deegaano ka tirsan gobolkaasi Shabeelaha Hoose.

80082349_820811665043538_5319127381879816192_n 78926105_820811508376887_5588252635397357568_n 79258125_820811441710227_3220872000486506496_n 79782042_820811561710215_1261556075224629248_n

 

 

 

 

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this