Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: KHAYRE oo kulamo ka wada magaalada Dooxa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan Dooxa ayaa weli kulamo gooni gooni ah ka wada magaaladaasi.

Khayre ayaa la kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid ah yahay xoghayaha maaliyadda Mareykanka, Steven Mnuchin, kaas oo ka qeyb galaya madasha Dooxa.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, dardar gelinta barnaamijka Deyn cafinta iyo dowrka Mareykanka ee ka mira dhalinta dadaallada socda.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay la kumay dhiggiisa dalka Qatar, Sheikh Abdullah bin Nasser Bin Khalifa Al Thani, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah.

Kulamadaan ayaa qeyb ka ah shirar uu Ra’iisul wasaaruhu la yeelanayo qaar ka mid ah madaxda ka qayb geleysa shirka Dooxa.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shalay ka qeyb galay furitaanka shirka madasha Dooxa, kaas oo uu daah-furay Amiirka Qatar, Tamim Bin Hamad Al Thani

Waa markii saddexaad ee uu Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ka qeyb-galaayo Madasha Dooxa, isagoo goob-joog ahaa sanadihii u dambeeyey ee 2018-kii iyo 2017-kii.

1-52.jpg 2-53.jpgunnamed-2-3-1.jpg kulnka-Raiisul-Wasaarayaasha-4-696x464-1

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this