Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo toogasho ku fulisay nin ‘ku kacay fal naxdin leh’

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa dil toogasho ku fuliyey nin ay kooxdaasi sheegtay inuu sameeyey ficilkii Qowmu Luud.

Toogashada oo lagu fuliyey, Axmadey Qaadi Maadey ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla deegaanka Doon Buraale oo hoostaga degmada Qoryooley ee gobolka Sh/Hoose.

Qaadiga Maxkamadda Al-Shabaab ee gobolkaasi oo fagaaraha ka akhriyey xukunka ayaa sheegay in Axmadey uu qirtay dhammaan eedeymaha lagu soo oogay, islamarkaana ay ku cadaatay in uu sameeyay ficilkii Qowmu Luud, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ninkaan uu falkaasi sameeyey, isagoo caafimaad qaba, islamarkaana xukunka xadka ah lagu fuliyey.

Fagaaraha lagu toogtay ninkan ayaa waxaa ku sugnaa boqolaal dadweyne ah iyo xubno sar sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo xukun noocaan oo kale ay fuliso Al-Shabaab, waxaana bishii July ee sanadkaan 2019-ka kooxdu gobolka Hiiraan ku toogatay, nin lagu magacaabi jiray, Maxamed Aadan Nuurow, kaas oo isna lagu eedeeyey inuu fara xumeeyey illaa saddex caruur ah.

Inta badan waxaa deegaanada ay maamusho Al-Shabaab ka dhaca xukuno u badan dil toogasho ah, kuwaas oo qaar kood lagu fuliyey dad lagu soo eedeeyey basaasnimo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this