Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey amarka kasoo baxay Villa Somalia ee saameeyey wasiirada iyo xildhibaanada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Amar maanta ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu mamnuucay in meel u dhaw madaxtooyada lala yimaado ilaalo marka laga reebo madaxda sare.

Ilaalada mas’uuliyiinta iyo qof kasta qori ama bastoolad wadata ayaa loo ogoleen in ay ka soo gudbaan kontaroolada, Sayidka, Ceelgaabta iyo Xaawo Taako oo ah saddexda kontarool ee laga soo galo Villa Somalia.

Kaliya waxaa ciidan loo ogol yahay Guddoomiyaasha Baarlamaanada iyo ku xigeenadooda, iyo taliyaasha iyo taliye xigeenada koowaad oo kaliya.

Dadka uu amarkaan saameeyay waxaa kamid ah dhamaan wasiirada, xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee labada Gole iyo agaasimyaasha, taliye xigeenada labaad ee qaybaha ciidamada iyo saraakiisha kale ee dowladda.

Dhowr wasiir oo maanta isku dayaya inay aadaan Villa Somalia ayaga oo wata askar ayaa dib loo soo celiyey, sida ay sheegeen.

Sidoo kale waxaan la ogeyn sida uu amarkaan u saameeyay xubnaha beesha caalamka maadaama aysan wali imaanin agagaarka madaxtooyada tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii dhacay.

Sidoo kale gaadiidka aan xabadda karin ee beebayaasha iyo kuwa kale ee gaashaaman ayaa saakay la dhigay dhamaan agagaarka madaxtooyada iyadoo dibadda loo soo saaray ciidamo dheeraad ah.

Ciidanka ilaalada ah ee mas’uuliyiinta la socda ayaa sidoo kale loo ogoleen in ay fariistaan halka lagu reebay si ay u sugaan masuuliyiinta ay la socdaan waxaana jira cabsi xoog leh, dood iyo muran arrintaan ku saabsan.

Arintaan ayaa ka dambeysay weerarkii ay Al-Shabaab habeeno ka hor ku qaadeen hoteelka SYL ee u dhaw madaxtooyada Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this