Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Kenya oo howlgallo ka wada xadka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ciidamada ammaanka Kenya, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Argagixiso la dirirka ay ka wadaan xadka Soomaaliya.

Howlgallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa la sheegay in ciidamadu ay kaga hortagayaan weerarada inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ay ka fuliyaan halkaasi.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ayaa dhankooda sheegay in ujeedka baaritaanadooda uu yahay mid lagu xaqiijinayo amniga.

Sidoo kale wararka waxa ay sheegayaan in dhaq dhaqaaqyadaan ay saameyn ku yeesheen isu socodka dadka shacabka ee ku dhaqan xadka labada dal.

Inta badan Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan ka fulisa gobolka Waqooyi Bari, waxaana ugu dambeeyey weerarkii magaalada Wajeer, kaas oo lagu qaaday gaari Bus ahaa oo ay la socdeen dad shacab ah iyo saraakiil ka tirsana Booliska dalka Kenya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this