Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan loo hadlayey doorashada 2020-ka oo ka dhacay Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Nairobi ee xarunta  dalka Kenya waxaa ku kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Mduane Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Bayaan kooban oo ka soo baxay madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in kulankaas looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashada 2020/2021.

“Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hogaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku booqdey hoyga uu ka deganyahay malaada Nairobi ee dalka Kenya” ayaa lagu war ka soo baxay Axmed Madoobe.

“Kulankan oo lagaga wada arrinsanayey xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Doorashada 2020/2021 ayaa sidoo kale waxaa ku weheliyey madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan” ayaa lagu soo gabagabeeyey bayaanka.

Mas’uuliyiintaan ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta  dalka Kenya, iyagoo halkaasi ka waday kulamo looga hadlayo xaaladda dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this