Sign in to follow this  
Deeq A.

Fuursade oo qaabilay wafuud caalami ah + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Agaasimaha Madaxtooyadda Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) oo Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya  Danjire Xamuud Samraan Al-xuweydi ayaa ka guddoomay dhambaal ku wajahan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaas oo uu soo diray Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Alqeyd.

Danjire Xamuud ayaa bogaadiyey qorsheyaasha horumarineed iyo xasilloonida siyaasadeed ee ka jirta dalka, isagoo tilmaamay in dib u kabashada Soomaaliya iyo xoojinta dowladnimadeena ay ka mid tahay qorsheyaasha udub dhexaadka u ah Ururka Jaamacadda Carabta.

Agaasime Fuursade ayaa la wadaagay Danjiraha Jaamacadda Carabta go’aammada iyo qorsheyaasha heer Qaran ee taariikhiga ah ee ku saleysan sidii Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen bahwadaagtooda Jaamacadda Carabta.

Dhanka kale, Agaasimaha Madaxtooyada ayaa kulan la qaatay Agaasime Goboleedka Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) Mudane Mohamed Abdiker, waxa uuna kala hadlay hirgelinta qorsheyaasha lagu horumarinayo nolasha dhallinyaradii Soomaaliyeed ee Dowladdu ay ka soo deysay xabsiyada shisheeye.

Madaxtooyada iyo IOM ayaa isla qaatay in la xoojiyo wadashaqeynta iyo tayeynta Hay’adaha Soomaaliyeed ee shaqo-wadaagta la ah Hay’adda Socdaalka Adduunka, si looga hortago tahriibta iyo ka ganacsiga dadka.

1-1-1024x683.jpg 2-1-1024x683.jpg 3-1-1024x683.jpg 4-1-1024x691.jpg 5-1-1024x701.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this