Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo heshiis cusub la saxiixatay hay’ad dalka Imaaraadka laga leeyahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Dani oo ku dhawaad 20 cisho safar ugu maqan dalka Imaaraadka Carabta ayaa heshiis la saxiixday Hey’adda Bisha Cas ee Imaaraadka.

Heshiiskan oo lagu sheegay mid wadashaqayneed ayaa ogolaanaya in hey’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka ay xafiis ka furato deegaanada Puntland, iyadoo looga golleeyahay sidii loo fududeyn lahaa arrimaha gargaarka oo hey’addas ay ka fuli gobolada Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan dalka Imaaraadka ayaa saxiixay heshiiskaas wadashaqayneed, iyadoo hey’adda Bisha Cas ee Imaaraadka uu heshiiska u saxiixay Xoghaya guud ee hey’adda Maxamed Ateeq Al-falahi.

Maamul goboleedka Puntland ayaa  maalmahaan la tacaalayey xaalad bini’aadantinimo oo ka dhalatay roobab dabeylo wata oo ka da’ay inta badan gobolada Puntland.

Puntland ayaa sheegtay in xafiiska hey’adda Bisha Cas ee Imaaraadku ka furanayso Puntland uu ka mid noqondoono xafiisyada kala shaqeeya arrimaha gargaarka bani’aadantinimo.

Sidoo kale wafdi ka socda hey’addas ayaa la sheegay inay markii ugu horeysay shalay soo gaareen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana la rumaysan yahay inay sahminayaan halkii ay ka furi lahaayeen xaafiiska hey’addaas ay ku yeelanayso Puntalnd.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this