Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo shaacisay magaca nin ay sheegtay in uu hogaaminayey weerarkii SYL

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay magaca dagaalame ay sheegtay inuu ahaa ninkii hoggaaminayey weerarkii ay kooxdan habeen hore ka fulisay Hotel SYL ee magaalada Muqdisho.

Idaacadda Andalus ee kooxdan ayaa magaca ninkaas ku sheegtay Saadaq, waxayna baahisay cod la shegay in ninkaas looga duubay taleefonka intii uu ku sugnaa gudaha Hotelka ee weerarka uu socday.

Caasimada Online ma xaqiijin karto in codka la duubay uu yahay mid ka imanayey gudaha hotelka.

Ninka magaciisa lagu sheegay Saadaq ayaa sheegay in hotelka ay kasoo galeen dhanka waddada xigta madaxtooyada, inkasta oo xogta Caasimada Online ay sheegeyso inay ka yimaadeen dhanka Ceel-Gaab.

Weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay shan qof oo saddex ka mid ah ay ahaayeen shacab, halka labada kale ay ahaayeen askar, sida ay dowladda sheegtay. Al-Shabaab ayaa sheegatay dhimashada 25 qof.

Kadib howl-gal qaatay, ciidamada dowladda ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inay dilaan dhammaan shanti dabley weerarka soo qaadday, islamarkaana xoreeyaan hotelka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this