Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: DF oo xirtay laba ka mid ah askartii toogatay Shabaabkii weeraray SYL

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ayaa xiray laba askari oo ka tirsan ciidanka Koofiya Casta ee madaxtooyada Soomaaliya, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online.

Labadaan askari oo ku kala qornaa Kontaroolada Kashmiir oo ah halka laga madaxtooyada iyo Xaawo Taako ayaa la xiray shalay waxayna ilaa hadda ku jiraan xabsi.

Magacyada askarta xiran ayaa lagu sheegay Burhaan iyo Cabdullaahi Jiiroow waxayna ahaayeen askartii toogatay laba ka mid ah shabaabkii weeraray hotel SYL ka hor inta aysan gudaha hoteelka gelin.

Sababta loo xiray waxaa lagu sheegay in loo haysto laba qori oo ay lahaayeen raggii la dilay oo maqan.

Saraakiishu waxay sheegeen in hubkaas ay Shabaabka wateen ay u baahan tahay dowladda halka askarta xiran ay sheegeen in aysan arkin oo aysan ogeyn halka uu jiro.

Caadiyan hubka laga furto Al-Shabaab xiliyada ay weerarada qaadaan waxaa qaata saraakiisha dowladda iyo askarta waxayna aheyd arrin soo jirtay balse dowladda ayaa hadda bilowday inay hubkaas la-wareegto, si baaris loogu sameeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this