Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo soo dhoweeyay heshiiska arrimaha Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Cali Kheyre, ayaa soo dhoweeyay heshiiska dhex maray Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna Wal-Jamaaca (AWSJ).

Heshiiska oo ku yimid wada hadal dheer oo dhexmaray Dowladda Fedaraalka iyo ASWJ oo ay Gacan ka gaysteen dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa waxa uu saldhig u yahay Galmudug midaysan oo loo wada dhan yahay.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu ugu baaqay dhamaan Dadka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Galmudug in ay kawada shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa maamul u adeega Shacabka reer Galmudug.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dhammaan Bulshada reer Galmudug in ay muujiyaan dulqaad iyo isu tanaasul Gacannna ka gaystaan hirgelinta heshiiskan.

Mudane, Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul wasaaraha Dalka ayaa  uga mahad celiyay ASWJ dedaalka ay muujiyeen si loo gaaro heshiiskan.

Ugu dambayntii waxa uu u mahad celiyay cid walba oo Soomaaliyeed oo Gacan ka gaysatay heshiiskan iyo xubnaha Beesha Caalamka oo mar walba Garab taagan Shacabka Soomaaliyeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this