Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqorka Sacuudiga Oo Amiirka Qadar Ku Casuumay Shir Toddobaadka Soo Socda Ka Dhacaya Riyadh

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Boqorka Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa ku martiqaaday Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad Al-Thani Shir todobaadka soo socda ka dhacaya magaalada Riyadh, xilli xiisad diblomaasiyadeed oo laba sano jirsatay ay u dhaxeyso dalalka Khaliijka.

boq.jpeg

Shirka 40aad ee Golaha Iskaashiga Khaliijka oo ka kooban lix dal ayaa todobaadka soo socda ka dhacaya magaalada Riyadh, kuna beegan 10-ka bisha December.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa xaqiijisay martiqaadka soo gaadhay Amiirka, waxaana qoraal boggeeda Internetka lagu soo daabacay ku sheegtay in Amiirka Sheekh Tamim Bin Hamad Al-Thani ay soo gaadhay dhambaal farriin ah oo uga timid Boqorka Sacuudiga inuu ka soo qeyb-galo fadhiga 40aad ee Golaha Iskaashiga Khaliijka.

Bishii June ee sanadkii 2017 Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn oo ka mid ah dalalka Khaliijka iyo dalka Masar ayaa xidhiidhka u jaray dalka Qatar, iyagoo ku eedeeyay inay taageerto Argagixisada, waxaana ay ka xidheen xuduuda ay la wadaageen, ee Badda Barriga iyo Cirka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this