Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga WADAJIR oo Cambaareeyay Fatwo lagu gaalaysiiyay Hoggaamiyaha Xisbigaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaanka sare ee Xisbiga WADAJIR, ayaa si kulul u cambaareeyay Tallaabada ay xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku dhiirri-gelinayso in la soo Saaro Fatwooyinka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Hoggaanka Xisbiga, ayaa lagu sheegay in Arbacadii Shalay ay dowladda Federaalka Soomaaliya fursad siiyay Xassan Daahir Aweys oo kamid ahaa culimada Soomaaliya, islamarkaana ay ku dhiirri-gelisay in uu gaalaysiiyo Hoggaamiyaha Xisbiga WADAJIR Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

War-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay, in Xassan Daahir uu dil ku xukumay Hoggaamiyaha Xisbiga WADAJIR, kadib markii uu soo saaray Fatwo gaalaysiin ah oo ka dhana, waxaana Xisbigu Villa Somalia ku eedeeyay in ay abaabushay taageerayaal baraha bulshada ku faafiya Fatwada Xassan Aweys.

Sidoo kale, Hoggaanka Xisbiga WADAJIR ayaa Taliyaha NISA ku eedeeyay in uu xiriir hoose la leeyahay wadaadka Xassan Daahir Aweys oo ay gacanta ku hayso hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

1-7.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Xisbiga WADAJIR oo Cambaareeyay Fatwo lagu gaalaysiiyay Hoggaamiyaha Xisbigaas appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this