Sign in to follow this  
xiinfaniin

Letter to Somalia

Recommended Posts

Blessed   

^What a delightful nick you have.

 

Off topic, I know.

 

Xiinow,

Warqada Af ay Somalia taqaano ku qor, kow dheh. Sidii warqadaha loo qori jiray-na u qor laba dheh. Sasabshadana yaree oo dee xaajiyada wax qanciya uga waran, sadex dheh. Aakhirtuna duco u yara quudh, waxay sheeko ferejidani?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qorax   

Mamate Somalia,

Ii ogolow inaan wax yar kula wadaago. Waan ka xumahay in aan saaka war xun kugula soo kalaho anoo war wanaagsan anan ku wadin laakin runta inaan kuu sheego ayaa fiicane ee bal dhagahaada xogga i yara deymi; ilmaahaadi waxay noqdeen fara-lagaqaad caasi waalidina. Raggaadi aad ogayd waxba kaama aysan dambayn kuwa la laayay, kuwa bam lagu qarxiyey & kuwa la ibsaday ayeey isugu jiraan. Ilmihi aay dhaleena waxaay noqdeen burcad badeed, qowleesato, kaligi muslim, calooshiis u shaqeeste iyo garrac aanan naxaynin. Baddii waa hadde baddi weynayd ee ilmahada ugu meyri jirtay waa lala wareegay, ku dayesay, dhulki Raas ilaa Raas waa la iibsaday, gobol gobol, rodol rodol wixii harayna iminka waa beec suuqyadey yaaliin. Amxaaro injirleey ayaa ku xaarxaarta xeebahaadi. Dhulki waxa la wareegay tuugo. Culima, caamo iyo caruur wax dhaqan malahan. Ee maamate, Mowle lagama quuste sheekadu waa xuntahaye ee waxaan kugula dardaarmaya ma fiirsan kartid ilxumadaane ee dhaqtarka waxad ku tiraa koma 60 sano i gali hohrey ka saxiix, anna wagaas haddii naftu igu jidho waan kuu soo noqoni waana ku warami.

 

Bal hadda masarkan hooyoo ilmada ka qubaneysa isaga tir-tir anna yaanan ku daalinene aan albaabka kuu xiro. Caafiya Alla Mamate.

 

Wiilkaadi

Qorax Yusuf

Maxbuus #102909

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this