Sign in to follow this  
Abwaan

UAE stages camel beauty contest

Recommended Posts

^ sxb Geela somalida mid tartan qurux ka qayb geli karo maho .......... waa kuwa loo isticmaalo rar oo dhul abaareed ku nool oo sidii dacay loogu jiidayay faruur la moodo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Laba-X   

Originally posted by Geel_jire:

^ sxb Geela somalida mid tartan qurux ka qayb geli karo maho .......... waa kuwa loo isticmaalo rar oo dhul abaareed ku nool oo sidii dacay loogu jiidayay faruur la moodo.

Geel Jire, ra'yigaagu uma qalmo magacaaga. Sicirka ugu qwaalisan inuu yahay ma ogid miyaa Geeleenu?

 

War carabtu geelooda way fuulaan, annagaaba sharafnayoo rarana keliya weliba baarku cirka gaarey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Laba_Xiniinyood:

quote:Originally posted by Geel_jire:

^ sxb Geela somalida mid tartan qurux ka qayb geli karo maho .......... waa kuwa loo isticmaalo rar oo dhul abaareed ku nool oo sidii dacay loogu jiidayay faruur la moodo.

Geel Jire, ra'yigaagu uma qalmo magacaaga. Sicirka ugu qwaalisan inuu yahay ma ogid miyaa Geeleenu?

 

War carabtu geelooda way fuulaan, annagaaba sharafnayoo rarana keliya weliba baarku cirka gaarey.
Afkaaga,dhakal caano geel ah lagu qabi. Abtigiis,usheeg smile.gif

 

Geela yaga,tartan ma galo waa runtaa,ileen quruxdiisa wax gaaro maleh...Xaax,waan jidhahdhacoday speaking of geel iyo quruxdiisa smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

LX and FB ........... faanka badan caan baan ku nahay maah-maah ayaan idin ku soo xasuustay

 

Habar weliba xaarka ay dhasho ayay xaayoow tidhaa

marka hada waa anaga dhexdeena ... aniga hada geela somalia dhowr sano ayaan moogahay intaan ka arkayna sida dameer ka daran ayaa loo rartaa ..... anagu geela xamuul ayuu noo yahay oo reero dhan ayaa ku dhisan nimankaad sheegayso ee xoolahooda fuulo :D kolay way u roonyihiin oo way dhaqaalaystaan ...... kolay xoolo qurux lagu sheego ma soo arag !

 

on a more serious note currently abaarta taagan walaahi it is hard to imagine... people are actually fighting over wells.... whole families are migrating to wherever they can find water it is especially dire in the central regions :( ilaahay ha fududeeyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Geeljire, gaaladii dagaalada ka bacdi aragtaa u maleynaa, oo kistoo nafaqada ku yar maadaama dadkiiba liito, geel sheekadiisa intee taalaa.

 

Kuwii pre-civil war inaa aragtid fiicneyd, though, kuwaas si ee u qumanayeen, tartanka wey gali kareen.

 

Take a look at this "hottie" [or is it a hunk] -- certainly a beauty competition wuu/wey gali karaa/kartaa. See waaye, even indhakuul u marsanee. :D

 

camel.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
winnie   

thats a good looking camel, i dont care what anyone says.

*cues music*

 

"youre just too good to be truuuee

cant take my eyes off of you-ou"

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

They've been doing this for years. Not just the UAE but also the entire Gulf States (and parts of Jordan, Syria and Egypt). Even though there are different categories, they usually judge the beauty of the camel in relation to its face, cheeks and neck.

 

camel8.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Laba-X   

Loooool Urban iyo Ngonge, war Geela hanooga ciyaarina, weligiin ha dhaqanina e.

 

Faarax-B - Waa gartii hadde, Good iyo Soohan baanu dhaqan, caanohoodana waanu dhamin.

 

G-Jireow, Waa kan Geeleenu. Kan Carabtee madmadow oo casiirka ka dhergey miyaa dhaama?

 

370034296_514bd65ebf.jpg

Sinji adag haddii aanu lahayn, sool ma dhacarteene

Soomaalida habeeddiyo kolkay, suuddu ku ekaato

Sanqaraar udgoonow haddii, salowgu kuu yeero

Soddon mayl markuu kuu jiraad, saxansaxootaaye

Sabaad iyo wuxuu kuu noqdaa, cadarka Soodaane

 

Sacabbada nadiifka ah kolkii, lagu salaaxaayo

Samsam baa ka soo duula iyo, caano saa'id ahe

Sucsuc iyo karuur iyo dhanaan, sabarka kuu buuxsha

Sulux dhay ah iyo xoor ku siman, Seenyoy adigaa leh

 

Lama siisan karo xoolo kale, sidigta Dhaameele

Waxba yaan surweel midab leh iyo, saacad lay xirane

Sicirka dunida geeleenu waa, ugu sarreeyaaye

Soomaaligii diidayow, waad silloon tahaye!

2326877261_9733f15be3.jpg

Waa muruq adoonlow ritiga, madaxa waaweyne

Murjinse lagama yeelin ee cididan, laysku wada maaray

Mudka iyo sakaarka iska baxay, maylinada hooray

 

Malkada lawga kuruskan mudha ah, maydhaq iyo duudka

Margiga taagan luqunta kolkuu, maagga fidinaayo

Isha madow dibnaha loo melmelay, dhegaha loo miiqay

 

Melmasaalka loo uumay ayaan, magane yaabayaaye

Moohaarse ma qaadeen cagtoon, mar u balaadhnayne

Intaas oo macnuu leeyahay, ood maanta caasidaye

 

2327695418_b7affa7479.jpg

Mar hadaanad daar iyo lahayn doonni iyo Moodhar

Oo dheef Ilaah kuugu daray waxan dareeraaya

Waa kuu dan li'i raacisteed waxad ku diiddaaye!

 

Magaca Geel-Jire ah maanta ka dib waa in lagaa wareejiyaa bey ila tahay! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this