Deeq A. Posted October 16, 2019 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil gaari oo maanta ka dhacay isgoyska Fakax ee magaalada Muqdisho. Shilka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen gaari Cara Kadis ah iyo Mooto watay Qaad, xilli ay marayeen agagaarka busteejada baabuurta aada magaalada Jowhar. Ugu yaraan hal qof oo ahaa wadihii Mootada ayaa ku dhintay shilkaasi, sida uu Shabelle u xaqiijiyey mid ka mid ah dadka deegaanka. Sidoo kale wuxuu qofkan inoo sheegay in kiiska shilkaasi ay la wareegeen ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/sss.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites