Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil khasaaro geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil gaari oo maanta ka dhacay isgoyska Fakax ee magaalada Muqdisho.

Shilka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen gaari Cara Kadis ah iyo Mooto  watay Qaad, xilli ay marayeen agagaarka busteejada baabuurta aada magaalada Jowhar.

Ugu yaraan hal qof oo ahaa wadihii Mootada ayaa ku dhintay shilkaasi, sida uu Shabelle u xaqiijiyey mid ka mid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale wuxuu qofkan inoo sheegay in kiiska shilkaasi ay la wareegeen ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/sss.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this