Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Ragga iyo dumarka intee nooc ayaa loo kala qaybin karaa?

Recommended Posts

RedSea   

Originally posted by Zafir:

^^Waar afka hagaajiso, hadii kale waanu kuu hagaajin.

:D

 

Maanta tanuu keenay ninkii JB ahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

DUMARKA

 

 

1. Raalliya.

 

Lambarka koowaad waxa gashay raalliya garaad badan. Waxa ay ka hadh hadhay ninkeeda iyo ubadkeeda. Gurigeeda waxa loogu yimaaddaa cunto, qosol, kaftan iyo farxad. Dulqaad ayey dhammaysay, oo waa gabadh samir badan. Nolosheeduna waa guul.

 

2. Marwo dumar.

 

Waa haweeney garaad badan, oo talada reekeeda ka hadh hadhay. Laakiin taladeeda badan ayaa mar mar muran keenta. Haddiise ay nin fariid ah wada nool yihiin waxba la islama diido. Qiyaas ayaanay ku socotaa, oo arrinta reekeeda iyada ayuunbaa dhammaysata. Dumarka lagu sheekaysto maaha.

 

3. Ma hubsto.

 

Waa gabadha mar walba la qaldi karo, ee war kasta oo loo sheego hubsiimo la’aan rumaysata. Haweeyeydaasi ma kala soocdo beenta iyo runta. Waxana ay caan ku tahay war badni. Kaddibna dadka ayey aad isaga hor yimaaddaan.

 

 

4. Gogol ku cuna.

 

Waa islaanta ku caan baxday cadho, canaan, cay. Had iyo jeerna ninkeeda la sugta gogosha, ee marka uu dhinaca saaraba dirirta bilowda. Waa dhiblay aan ninkeeda horumar u oggolayn. Maalinta uu qorshe amma shaqo galana kula talisa in uu isaga tago.

 

 

5.Habaar qabto.

 

Waa beenaley, iimaan la’ oo aan gurigeeda khayrkuba ku nasan. Kharash badanaa oo ninkeeda iyo carruurteeda ku hawl badanaa. Dadka kalena ku dhib badanaa. Markaasi ayaa la yidhaa taasi waa habaar qabto.

 

 

6. Wareeg badan.

 

Tani gurigeeda kumaba nasato, waxana ay jeceshahay in ay wareeg iyo qaraabo salaan uun ku jirto. Xilla iskama saarto hawsha reerkeeda. Culayskana waxa ay saartaa ninkeeda, carruurteeda iyo kolba ciddii la joogta.

 

 

7. Barwaaqo

 

Waa gabadha ku fiican dhaqaalaha, ee aan ku tarki falin xoolaha reerka. Tani waa barwaaqo ninka helaa uu nasiib saday. Doqonkuse ma kasbado.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Taa uma war hayo, laakin waxaan ku waydiiyey, gabadha in aan la guursan dumar maaha? Kuwani waa kuwi la qabaye, kuwii kale maye, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this