Sign in to follow this  
Jacaylbaro

A Really Bad Day (Sheeko)

Recommended Posts

Laba saacadood iyo badh bay ku qaadatay cabdi inuu ku diyaar garoobo si uu suuqa u tago ka dib markii uu inaadeerkii la soo hadlay una sheegay inuu kexeeyo oo uu hawlo suuqa kaga kala daadsan la soo dhameeyo inta aanuu berri subax u dhoofin dalka Ingiriiska oo uu ka yimid muddo saddex bilood laga joogo.

 

Naxdiintii qaylada tilifoonka ayaa sababtay waxoogaa madax xanuun ah inuu qaado laakiin cabdi oo lagu yaqaanay caajisnimo iyo inuu aad u cag culus yahay marka uu lebbisanayo ayaanay arintan degdegga ahi waxba ka bedelin. Ugu yaraan 20 daqiiqo ayuu dib u sii galgalanayay oo uu sariirta ku sii jiifay. Markaas ka dib ayuu inta uu is galaalay oo uu burushkii uu ilkaha ku cadayan lahaa ka dibna wuxuu u holladay xagaa iyo musqusha si uu dawadii Colgate oo qasabada saarnayd ugu cadaydo. Waaba dawadii oo show dhamaatay. Xalay ayaa cashadii uu cunay waxa ku badnayd basasha oo wuxuu dareemayay inaanuu afkiisu caadi uraynin laakiin wuxuu ka xanaaqay dawadan dhamaatay ee aanuu ogayn. Markiiba waxa uu ku dhuftay bahal qaylo ah oo xaaskiisii Cawo oo kijada ku jirta ayaa orod isa soo daysay iyadoo is leh tolow maxaa dhacay.

 

Cabdi: Naa goormay dawadani xumi dhamaatay maxaadse iigu sheegi waydeen inkaaar baad qabtaaye.

 

Cawo: Eeg hadda waa markiisiiye, shalay subax soodigii adigu isticmaalayay ee intii ugu dambaysay ku cadayday.

 

Cabdi: Goorma ?

 

Cawo: Dee shalay subax markaad sii baxaysay

 

Cabdi: shalay ma anigaa cadaydayba

 

Cawo: Wadhlo Karinley ! ! ! waar miyaanad lahayn dawadiina waataa dhamaataye aan caawa soo iibsado miyaanadse xasuusnayn markii biyuhu ay kaa go’een adigoon luqluqan ee aan koobka biyo kuugu soo shubay ?

 

Cabdi: Malaa gurigan ninkalaa igula nool. Iska daa rag kalaa la isku kaaya khaldayaaye.

 

Cawo: Balaayo waa markiisii, Waar naga tag.

 

Cabdi: Imika ma anigoon cadayan baan baxaa ?

 

Cawo: Hadaa ma anigaad igu cadayan. Waxaad doonto yeeloo naga tag aanu kaa shaqaysanee. Dherigii baaba naga gubtaye.

 

Cabdi waxa uu go’aansaday inuu maanta caday la’aan ku baxo hadhowna uu soo iibsado dawadii. Muddo 10 sanadood ah muu isticmaalin cadaygan suuqa lagu iibiyo ee wuxuu kaga kalsoon yahay burushka iyo dawada oo beri ay ilkuhu dhiigi jireen uu dhakhtar u qoray. Cadho ayuu is madax maray dabadeedna intuu tuwaalkii soo qaatay buu damcay inuu qubaysto ka dibna uu baxo. Inta uu rushaashadii hoos galay oo uu waxoogaa biyo ah jidhkiisa ku qooyay buu u holladay saabuuntii oo uu inta uu madaxana shaamboo ku shubtay jidhkana saabuun udgoon oo nooca Zest la yidhaa ah tin iyo cidhib isku dhamooqay. Mar labaad buu rushaashadii furay si uu saabuunta isaga maydho laakiinhaba sheegin, biyoba ma leh markan. Waxa uu u qaadan waayay waxa ku dhacay biyaha oo ilaa lix jeer buu marna xidhaa marna furaa sidiiyoo uu biyo ku helayo. Wuxuu xaqiiqsaday inaanay meesha waxba jirin sidii u caadada ahaydna wuxuu miciinsaday inuu mar labaad Cawo u qayshado.

 

 

Cawo yaabtay oo tidhi hadana maxaa helay, laakiin hadana soo carartay oo waydiisay waxa dhacay.

 

Cawo: Waar waa maxay hadana ?

 

Cabdi: Waa maxay bay na leedahay, ma adigaa biyaha naga xidhay ?

 

Cawo: Naga xidhay aa ?? oo maxaan ku falayaa xidhashadooda ?

 

Cabdi: Garan maynee gurigan balaayaa naga haysatee bal kaalay eeg sidaan ahay.

 

Cawo (iyada aayar furaysa albaabkii musqusha): Hayaay, oo maad biyaha iska hubsatid intaanad saabuunta is marin ?

 

Cabdi: Hubsanay oo way socdeene bal orodoo foostada biyo iiga eeg aaan saabuuntan uun iskaga rogo waan degdegayaaye.

 

Cawo waxay u carartay xagaa iyo foostada oo daaradda taalay iyadoo dhexda ka sii qaaday baaldi ay biyo ugu soo shubto. Nasiibdarrose foostadu way madhan tahay oo biyo lagu shubo waxaaba ugu dambaysay kuwii wiigii hore roobka laga dhaamiyay oo guriga lagu maydhay laba cisho ka hor. Halkaa kumay jooogine, xaafada jaarka bay u carartay si ay bal wuxuun uga soo hesho laakiin iyagana waxba laga soo waa oo sidaas oo kele ayay uga go’naayeen wax meel u yaalayna may jirin. Werwerkii ayay biyo yar oo jeeg ku jiray oo ay qadada ku karinaysay intay u soo qaaday u sheegtay inuu intaa saabuunta iskaga rogo haday ku filnaato hadii kele inaan biyo jirin oo la soo waayay..

 

Isaga oo hiiftaamaya ayuu nin yara qoroweyn buu ahaaye intii biyuhu ka dul qaadeen mooyaane intii kelena uu dharkii iskaga dul xidhay iyada oo guuxa, reenka iyo huruuftanka ka baxaya aad yaabayso. Quraacdii oo miiska u saran intaa dhinaca ku sii dhuftay ayuu iska dhaafay isagoo ku hadaaqaya “Quraacna dooni maynee, gurigan baas” ka dibna kadinka ayuu ka booday.

 

Orodkii ayuu markiiba baskii ku booday isagoo raba inuu suuqii gaadho oo uu inaadeerkii ku sugayay. Cabaar markii uu baskii socday ayaa la waydiiyay lacagtii baska laakiin markii uu jeebka damcay inuu ka soo saaro ayuu ogaaday inaanuu lacagba sidan oo intii ugu dambaysay uu xalay koob caano ah kaga cabbay dukaan markii uu sii hoyanayay. Kolba jeeb buu ku booday sidiiyoo lacagtii inta ay carartay ay kolba meel ku dhuumanayso oo ay la ciyaarayso laakiin nasiib darro jeebabka oo dhami way madhnaayeen marka laga reebo ka sare ee shaadhka oo waraaqo ay xisaabi ugu qoran tahay ay ku jireen. Juuq muu odhane wuu iska aamusay oo fadhiistay, wuxuu isha la raacay dadkii baska la saarnaa bal inuu cid uun ka garto uu yidhaahdo iga bixi. Yarka lacagta ururinayay oo isaguna aad u dabeecad qallafsanaa ayaa intaa ku celcelinaya “adeer lacagtii keen dee” laakiin dheg umuu jalaq siin jawaabna umuu celin haba yaraatee.

 

Inankii ayaa u qaatay inuu ninkani yahay qof dhego la’ oo inta uu soo tiigsaday oo uu gujiyay faraha ugu sheegay inuu lacagtii bixiyo. Isaga oo Cabdi xanaaqsan kana jaahwareersan waxan ku dhacay ayuu si cadho leh ugu yidhi “Waar na sug dee waanu ku siinaynaaye, waxani muxuu la gariirayaa”.

 

Yarkii markii uu dadka oo dhan lacagtii ka urursaday ayuu dib ugu soo noqday Cabdi oo uu hadana waydiiyay inuu bixiyo lacagta isagoo weliba markan ugu daray qaylo iyo hadal kulul oo uu ku dalbanayo lacagtiisa. Cabdi oo ka xanaaqay siduu ula dhaqmay kan yari ayaa si cadho leh u yidhi “Adeer lacagba waanu iska waynee naga tag”.

 

Yarkii oo ka xanaaqay arinkaas ayaa yidhi: Aar waxaas ha noogu sheekayne lacagta iska bixi baanu ku nidhi, ma bilaash baanu dadka ku qaadnaa baa lagu yidhi ?

 

Cabdi: Kaalay naga qaad dee waakaase, ma haynaanu ku nidhi dee waad iimaan la’dahaye.

 

Yarkii: Waar adigaa iimaan la’e lacagta iska bixi tuug baad tahaye.

 

Cabdi: Ma anigaa tuug ah, walaahi inaan dhulka kula dhici.

 

Cabdi markii uu intaa yidhi ayuu kor u booday oo uu u hollday dhankii yarka laakiin dadkii baska saarnaa oo wixii dhacayay maqlaayay ayaa kala dhex galay. Darawalkii baska ayaa ka xanaaqay ninkan weyn ee yarka laga hayo, inta uu baskii wadada dhinac uga saaray oo uu joojiyay ayuu bakoorad kursiga hoostiisa u taalay la soo degey oo inta uu soo wareegay gudaha ugu soo galay Cabdi isagoo gacanta jiidaya oo debeda ula baxaya. Cabdi laftiisu muu dhaamine isagoo aad u cadhaysan ayuu debeda u soo booday oo uu rabay inuu ninkan la dagaalamo. Laakiin dadkii ayaa kala dhex galay mar kele oo midba dhinac u jiiday. Cabbaar markii la iska raftay ayuu darawalkii haleelay inuu mar qudha dadkii ka soo dhex boodoo oo inta uu laba bakooradood ku dhuftay Cabdi isagoo tii sadexaad ku sii wada ay hadana dadkii laba dible u qabteen oo dhinacaa u jiideen.

 

Askar boolis ahayd oo meesha maraysay ayaa ku soo leexatay buuqii iyo dagaalkii oo inta ay isa soo dhex taageen dadkii waydiiyay waxa dhacay. Cabdi oo bakooradihii ku dhacay ay xanuunjiyeen, cadhona cirkaa maraya ayaa soo booday isagoo ku qaylinaya “Walaahi inaan shilin la iga qaadayn, boolis baad sheegteene hadii madaxweynuhu yimaado” iyo erayo cay ah oo kele oo badan. Askartii ayaa u yeedhay darawalkii oo waydiiyay siday wax u jiraan, waxaanay waraysteen dadkii baska la socday waxaanay damceen inay arinka halkaa ku qaboojiyaan iyagoo Cabdi u sheegay inuu lacagta baska iska bixiyo, laakiin Cabdi cadhadii baa ka badatay markan oo saanu umuu qancine cay uun buu dabada u qabtay ciidankii, dadkii iyo baskiiba.

 

Askartii waxay markaas go’aansadeen inay kexeeyaan Cabdi oo ay saldhigga geeyaan sidii baanay yeeleen. Markii taliyihii saldhigga la hor keenay ee siday wax u dhaceen loo sharaxay Cabdi weli wuxuu sii watay caydiisii waxaanuu ku adkaystay inuu ninkaa bakooradda la dhacay ka aar goosanayo oonuu marnaba daynayn. Odaygii Cabdi dabadeedna waa la xidhay oo inta tilifoonkii uu sitay, kabihii iyo suunkiiba laga bixiyay ayaa gudaha lagu tuuray oo la dhex jiifiyay saddex tuug, afar shakhraan oo khamri lagu soo xidhay laba habeen ka hor iyo shan kele oo dembiyo kala duwan lagu soo xidhay.

 

 

LA SOCO ……………………………………….

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

:D:D:D Nice story. Sounds like JB in a rush.

 

Yarkii: Waar adigaa iimaan la’e lacagta iska bixi tuug baad tahaye.

 

Cabdi: Ma anigaa tuug ah, walaahi inaan dhulka kula dhici.

Oh how much I miss my hargeisawi slang.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Inta uu
rushaashadii
hoos galay oo uu waxoogaa biyo ah jidhkiisa ku qooyay

:D . Ma musqushaa [for you suulida lol] wuxuu ku haystay water hose miyaa? anaga rushees saanaa u kaseenaa:

 

AA030364.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this