Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha barlamaanka Puntland oo maanta safar ugu baxay Muqdisho.

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha barlamaanka dowladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhooba-daareed) ayaa maanta safar ugu baxay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Inkastoo uusan warbaahinta la hadlin guddoomiye Dhooba-daareed haddana ilo wareedyo katirsan xafiiska barlamaanka ayaa u xaqiijiyey Puntlandpost inuu yahay safar shaqsiyadeed.

Maalin kahor waxaa magaalada Garoowe ka dhoofay wasiirka waxbarashada Puntland oo ay weheliyeen wasiiru dowlaha iyo agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland.

Safarka masuuliyiinta waxbarashada Puntland ayaa la xiriira xallinta khilaafka ka dhexeeya wasaaradaha waxbarashada dowladda federalka ah ee Puntland, fududaynta shahaadada ardayda dhammeeyey dugsiyada sare ee Puntland iyo qaybsiga deeqaha waxbarashada.

PUNTLANDPOST

The post Guddoomiyaha barlamaanka Puntland oo maanta safar ugu baxay Muqdisho. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this