Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa madaxweyne Farmaajo u diiday inuu tacsi ka diro geeridii Maxamed Mursi?

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaahisa (Caasimadda Online) – Waxaa iska soo daba dhacayo jawaabaha laga bixinayo geeridii ku timid madaxweynihii shariciga ahaa ee dalka Masar Maxamed Mursi kaasoo Shalay oo Isniin ah ku dhex dhintay howl ay ka socotay maxkamadeyntiisa kadib markii la sheegay inuu wadnaha istaagay.

Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha ayaan weli wax war ah kasoo saarin geeridii ku timid Madaxweynihii Shanaad ee dalka Masar Maxamed Mursi.

Inkastoo aan la ogeyn sababta ay dowladda Soomaaliya ugu aamustay geerida Mursi haddana waxaa la rumeysan yahay inay Dowladda Soomaaliya xiriir dhow la leedahay dowladda Sacuudiga oo aad u neceb ururka Ikhwaanul Muslimiin oo Mursi uu ka tirsanaa iyo Cabdi Fataax Siisii oo ah ninka afgambiga ku sameeyey Mursi.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay ilaalineyso xiriirka dhow ee ay la leedahay Dowladda Sacuudiga, waxaana la aamisan yahay inaysan Sacuudiga jecleyn Mursi sababtaasna ay keentay inay Dowladda Soomaaliya ka aamusto.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey uga tacsiyeysay dhimashooyin adduunka ka dhacay oo qaarkood marka loo eego ka maqaam hooseeyey ama aan Islaamka muhiim ugu ahayn sida madaxweyne Mursi allaha jannada ha ka waraabiyee, ay kamid ahaayeen:

  1. Tacsi ay u dirtay Ciraaq iyo ehellada dhibanayaasha doonta dalxiis ee ku qalibmatay webiga Dajla ee Magaalada Mosul, xarunta Gobolka waqooyi ee Naynawa 21 Maarso.
  2. Dowladda Soomaaliya ayaa Tanzania uga tacsiyeysa Doon  ku qalibmatay harada Victoria waxaana halkaas ku geeriyooday 100 qof.
  3. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Shacabka iyo Dowladda Federaalka Itoobiya uga tacsiyadeysay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay dalkaasi Itoobiya,kaasi oo saameyn ku yeeshay dad rakaab ah oo ka soo kala jeeda dalal kala duwa
  4. Madaxweyne Farmaajo ayaa March 20, 2018 ka tacsiyeeyay geerida R/Wasaarihii hore ee Jabuuti Marxuum Barkat Gourad.
  5. Madaxweynaha JF Soomaaliya July 15, 2017 Boqorka Sacuudiga uga Tacsiyeeyay Geerida ku timid Allaha u naxariistee Amiir Cabdiraxmaan Bin Cabdulcasiis oo ka tirsanaa Qoyska reer Boqor.

Waxaan idiin soo gudbineynaa jawaabihii ugu muhiimsanaa oo ay Dowladaha iyo Hey’adaha Adduunka ka bixiyeen geerida ku timid Allaha u naxariistii Maxamed Mursi.

Qaramada Midoobay

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay tacsi u direyso qoyskii uu ka dhintay Madaxweynihii la jeclaa ee Masar Maxamed Mursi kaasoo dhintay Maalintii Isniinta aheyd kadib shir jaraa’id oo uu qabtay Afhayeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Stephen Dugrick .

Turkey

Madaxweynaha Dalka Turkiga Erdogan oo ka hadlay geerida ku timid Mursi ayaa yiri “Allaha u naxariisto walaalkeen Mursi, wuxuu ahaa shahiid taariikhda ku galay sida uu ugu soo halgamay dimoqraadiyadda.. wuxuu shan sano ka badan ku jiray xabsi dulmi ah… wuxuu xukunka ku yimid doorasho dimoqraadi ah.., Daalimka C/fataax Siisi ayaa afgembi xukunta ugala wareegay, isagoo laayey 50 qof..”

Qadar

Waxaa kaloo geerida Maxamed Mursi ka hadlay Amiirka dalka Qatar oo farriin uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku yiri: “Waxaa nasoo gaaray geerida lama filaanka ah ee madaxweynihii hore Masar Dr. Maxamed Mursi… Waxaan tacsi u dirayaa qoyskiisa iyo shacabka aanu walaalaha nahay ee Masar..”

Malaysia

Haweeneyda ku xigeenka u ah Ra’isulwasaaraha dalka Malaysia Wan Azizah Wan Ismail ayaa sheegtay in geerida Maxamed Mursi ay khasaaro weyn ku tahay Dimoqraadiyada iyadoo tacsi u dirtay qoyska marxuumka iyo dhammaan Shacabka Masar.

” Waxaan dareemay murugo aad u weyn markaan maqlay dhimashada Mursi, kaasoo lagu soo doortay si Dimoqraadi ah si uu u noqdo Madaxweynaha Shanaad ee Masar, tani waxay khasaaro weyn ku tahay Dimoqraadiyada” ayey tiri Wan Azizah Wan Ismail oo qoraal kusoo qortay Twitter-ka

Mareykanka

Afhayeen u hadlay Dowladda Mareykanka ayaa kusoo gaabsaday inay maqleyn geerida Mursi balse aysan heyn faahfaahin dheeraad ah, mana jirin tacsi uu diray.

Xarakada Xamaas

Xarakada  iska caabinta Xamaas ayaa ka tacsiyeysay geeridii ku timid Maxamed Mursi waxayna bayaan kasoo baxay ku tiri ” Raali ayaan ku nahay qadarta Alle, Qadarta ku dhacday dadka Masar ee aan walaalaha nahay , Shacabka reer Falastiin, Dowladaha Carabta ,  kuwa Islaamka,  iyo wadamada Xorta ah ee adduunka”

Xamaas ayaa sheegtay inuu Mursi geeriyooday kadib markii uu dadaal badan ku bixiyey Qadiyadaha Masar, iyo Qadiyadaha Umadda oo ay ugu horeyso midda Falastiin, waxayna tilmaamtay inuu waqti badan ku bixiyey difaacitaanka Qudus iyo Masjidka Al-Aqsa tan iyo markii uu xubin ka noqday Baarlamanka Masar.

Halkan ka daawo muuqaalka sirtii uu Mursi doonayey inuu shaaciyo
Halkan ka daawo muuqaal ku saabsan sidii uu u dhintay Mursi

Caasimada Online
Xafiiska Qaahir
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this