Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland Iyo Puntland Oo Maanta Is-Dhaafsaday Maxaabiistii Ay Ku Kala Qabsadeen Dagaalladii Ka Dhacay Deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta Madaarka Cigaal International Airport ee Hargeysa kusoo dhaweeyey saddex askari oo kamida Ciidamada Qaranka Somaliland oo gacanta ugu jiray Maamul Goboleedka Puntland, waxaana soo dhaweeyey Saraakiishan Wasiiradda Wasaaraddaha Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha, Cadaaladda, Taliyayaasha Ciidamada Qaranka iyo Asluubta iyo Maareeyaha Hay’adda Duulimaadyada iyo Madaarada dalka.

61602589_2201438976636610_83451663600110

Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani oo isu ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyey saraakiishan, waxaana uu tilmaamay inay tahay wax ilaahay loogu mahad naqo in saddexdan askari oo ka tirsanaa Ciidanka Qaranka ay maanta dalkooda yimaadaan iyagoo nabad-qaba, waxaana uu taliyuhu la wareegay masuuliyadda saddexdaa askari.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) oo isaguna ka hadlay soo dhaweynta saddexda askari ayaa sheegay inay guul tahay imaanshaha saddexda askari ee ka tirsanaa Ciidanka Qaranka Somaliland, waxaana uu Madaxweynaha ku bogaadiyey doorkiisa nabadeed iyo kaalinta uu ka qaatay soo daynta saddexda askari iyo sii daynta 14kii maxbuus ee maamulka Puntland laga hayey.

Dhanka Kale Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay wehelinayeen Wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, gashaandhiga iyo cadaaladda, Taliyayaasha Ciidamada kala duwan ayaa Madaarka Cigaal Intertional Airport ka anba bixiyey Maxaabiis tiradoodu dhammayd 14 oo lagu qabtay dagaalkii Tuka-raq ku dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland, kuwaas oo lagu sii daayey cafis madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi u fidiyey 18-kii May 2019-ka.

Wasiirka Wasaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Dawladda Somaliland anba bixinayso 14-maxaabiis ah, kuwaas oo tegidoonaan deegaankoodii Garooowe, waxaana uu xusay in sii daynta maxaabiistani ay ka danbaysay ka dib markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi uu cafis u fidiyey maxaabiistaasi, Wasiirku waxa uu kula dardaarmay Maxaabiistan oo u badnaa dhalinyaro inay noqdaan safiirada nabadda ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maamul kooda Puntland.

Iyadoo Maxaabiistaa ay la wareegtay hay’adda ICRC oo iyadu diyaarad gaara kaga qaaday garoonka Cigaal International Airport kuna geysay magaalada Garoowe, halkaasina ay ka soo qaaday Saddex askari oo ay gacanta ku hayeen Maamulka Puntland soona daayeen ka dib markii madaxweynuhu u cafiyey maxaabiistii dhinacooda laga hayey, Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this