Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland Iyo Puntland Oo Maxaabiis Is Dhaafsaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay sii daayeen 14 maxaabiis ah, kuwaasi oo ay ku qabteen dagaalkii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, kaasi oo ay la galeen Puntland.

Hay’adda ICRC ayaa kasoo shaqeysay in maxaabiistan maanta laga dejiyo magaalada Garoowe, iyadoo dhanka kalena Puntland sii deysay Saddex maxaabiis oo ay ku qabteen dagaalkaasi.

Ehlada maxaabiistii maanta la keenay magaalada Garoowe ayaa soo dhoweeyay arrintan, iyaga oo u mahadceliyey ICRC.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this