Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir cawad oo warqadaha ka guddoomyay safiirka M/Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Isniin ah kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Safiirka Ergada Midowga Yurub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Nicolás Berlanga Martinez.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu carabaabay sida uu ugu qanacsanyahay xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, isagoo ku nuux nuuxsaday in Midowga Yurub ka mid yahay bahwadaagta ugu muhiimsan ee mashaariicda horumarinta iyo dib-u-dhiska dalka.

Wasiirka iyo Safiirka cusub ee Midowga Yurub ayaa is dhaafsaday dhowr aragti iyo hindisooyin lagu xoojinayo, laguna horumarinayo xiriirka ujeeddooyinka badan leh si loo taageero geeddi-socodka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta iyo in la hirgeliyo, lana dardargeliyo ldhammaan heshiisyada labada dhinac saxiixdeen iyo dabagalkooda.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

FB_IMG_1559555706588.jpgFB_IMG_1559555708719.jpgFB_IMG_1559555715744.jpgFB_IMG_1559555712699.jpgFB_IMG_1559555702232.jpgFB_IMG_1559555699963.jpgFB_IMG_1559555704372.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this