Sign in to follow this  
Deeq A.

X/weyne iyo Dharkenley oo ku tartamaya Finalka Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Tartanka faca weyn ee Idaacadda Shabelle oo soo gaaray wareegii ugu dambeeyay ee kama dambeysta ayaa waxaa caawa ku baratami doono degmooyinka Xamarweyne iyo Dharkenley oo ka wada tirsan G/Banaadir.

Labada degmo ayaa muujiyay dadaal xoog leh, waxaana ka soo dhex baxeen illaa 16 degmo oo ka qeyb galay barnaamijka tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Sidoo kale degmooyinka Howlwadaag iyo Shibis ayaa caawa u tartami doono kaalinta saddexaad ee tartanka, waxaana kulankaasi uu soo gali doono saacadu marka ay tahay 7:30 daqiiqo ah.

Kulanka xiga ee Xamarweyne iyo Dharkenley oo ah mid darbi ah, ayaa waxa waxa uu soo geli doonaa 10:00-ka habeenimo, Insha Allah.

In la saadaaliyo natiijada ayaa adag, marka la’eego awoodooda degmooyinkan , hayeeshe degmada badisa waxa ay hantin doona Koobka,  halka tan soo hartana ay gali doonto kaalinta labaad ee tartanka aqooneedka Idaacadda Shabelle.

Barnaamijkan oo ah kan ugu xiisaha badan ee la qabto bisha Ramadaan ayaa waxaa si Muuqaal ah uga daawan kartaa Facebooka Shebelle Media Network .

Taaba gelinta sanadkan waa shirakada Beco iyo Coca-cola, halka su’aal diyaarintuna uu yahay dugsiga sare Adult Commercial Secondry School

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this