Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir looga hadlay amniga oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa xalay guddoomiyay shir looga hadalayay amniga magaalada Muqdisho.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa ay ka qeyb galay saraakiisha laamaha amniga, iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray xoojinta amniga Caasimadda, inta lagu guda jiro dabaal daga maalmaha Ciidul Fidriga.

Mahdi Maxamed Guuleed R/wasaare ku xigeenka XFS oo madasha ka hadlay ayaa ugu baaqay hay’adaha amniga in ay labo jibaaraan howlaha lagu sugayo amniga Muqdisho.

Maalmihii dambe Ciidamada dowladda ayaa howlgallo amniga lagu xaqiinayo ka waday dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this