Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarad maxaabiis ka keenaysa Hargeysa oo ku wajahan Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Diyaarad sidda 14 maxbuus oo laga keenay magaalada Hargeysa ayaa sida qorshaysan duhurnimada maanta ka degaysa garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Maxaabiistaasi  laga soo qaadayo magaalada Hargeysa ayaa hore loogu qabatay dagaalladi dhexmaray Puntland iyo Somaliland oo ka dhacay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Sidoo kale diyaaradda ayaa Hargeysa u qaadaysa 3 maxbuus oo Somaliland looga qabtay Tukaraq kuwaasi oo haatan ku xiran magaalada Garoowe.

Puntland ayaa dagaalladii Tukaraq ku qabatay 19 maxbuus balse waxay mar dambe sii daysay 16 kamid ah oo u dhashay gobollada SSC kadib markii dhaqan-celin loo sameeyay.

Somaliland ayaa dhankeeda dagaalka ku qabatay 14 maxbuus oo dhammaantood maanta la keenayo Garoowe.

Heshiiskan maxaabiis is-weydaaarsiga labada dhinac waxaa ka soo shaqeysay hay’adda Laanqeyrta Cas  ee ICRC.

PUNTLAND POST

The post Diyaarad maxaabiis ka keenaysa Hargeysa oo ku wajahan Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this