Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shaacisay shirar looga hadlayo shidaalka Soomaaliya iyo dalalka lagu qabanayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada online)-Dowladda Soomaaliya ayaa markale sheegtay in la qaban doono shir looga hadlayo arimaha Shidaalka Soomaaliya, kaasi oo noqonayo shirkii labaad, kadib shirkii horaantii sanadkaan ka dhacay dalka Ingiriiska.

Shirka labaad ayaa ka dhacaya magaalada Istanbul ee dalka Turkey, sida uu sheegay wasiir ku xigeenka wasaaradda Badroolka Xukuumadda Soomaaliya oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Wasiirka ayaa sheegay in shirka ka dhacaya magaalada Istanbul ay ka qeyb galayaan Shirkado inta badan daneynaya arimaha shidaalka Soomaaliya ee ku yaala Qaaradda Aasiya.

Shirka Labaad ayuu sheegay inuu ka dhici doono dalka Mareykanka, waxaana ka qeyb galayaasha inta badan ay noqon doonaan, kuwo ka diiwaan gashan dalka Mareykanka, sida uu warbixinta ku sheegay.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya Maxamuud Cabduqaadir Hilaal, ma uusan shaacin waqtiga rasmiga ah ay shirarkaasi dhici doonaan,hayeeshee waxaa la xasuustaa khilaafkii xooganaa ee ka dhashay shirkii looga hadlayay Arrimaha shidaalka ee ka qabsoomay Magalada London ee dalka Ingiriiska.

Qoraalka.jpg

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this