Sign in to follow this  
Deeq A.

Madasha Wada-tashiga Somaliland oo eedihii ugu cuslaa u jeedisay Muse Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madasha Wada-tashiga Somaliland oo ay ku midaysan-yihiin Siyaasiyiin reer Somaliland, ayaa ka hadlay khilaafka xisbiyada ee doorashooyinka iyo xiisada dagaal ee kasoo cusboonatay bariga gobolka Sanaag.

Siyaasiyiintan ayaa sidoo kale waxay eedo u jeediyen xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, iyagoona iska fogeeyay inay Madaxweyne Biixi ugu jiraan jeebka oo ay saaxiib la yihiin.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Xasan Guure, Cabdisalaan Yaasiin Gabaxaddi iyo Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud oo kamida Madasha Wada-tashiga, ayaa maanta waxay warbaahinta kula hadleen magaalada Hargeysa, iyagoona si wada jira u sheegay in aan la aqbali karin dib u dhac ku yimaada doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga, Xasan Guure Jaamac oo ugu horeyntii isagu halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yiri “Madasha ayaa in badan la tabanayey, waanu ogayn oo in badan baa Dadku na lahaa ma jeebkii Muuse ayaad gasheen oo Saaxiibkiin ayaad raacdeen, laakiin Muuse Saaxiib lamaanu ahayn”.

“Sansaanka muuqda iyo waxa aan xog-ogaalka u ahay in aanay doorashadaasi qabsoomayn, markaa waxaanu u sheegaynaa saddexda Xisbi Dadku in aanay sugayn doorasho ka dambaysa 2019-ka, jidad badana inay u furan yihiin, waxaynu ridnay Golihii kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre, markaa ma shaqaynayaan in Gole Xisbiyo ahi Dadka afduubaan” ayuu yiri Xasan Guure.

Xasan Guure ayaa sidoo kale waxa uu xukuumada Madaxweyne Biixi u jeediyey inay si deg-deg ah wax uga qabato xiisada gobolka Sanaag, ayna ku dhameeyan si nabadgalyo ah.

Cabdisalaan Gabaxaddi oo isaguna ka hadlay Madasha ayaa sheegay inay Somaliland ka dhacaan falal la mid ah kuwii dhici jiray xilligii Siyaad Barre, wuxuuna yiri “Siyaad barre Nidaamkiisii ridnay, laakiin dhaqankiisii wax badan baa innagu soo hadhay”.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo isaguna sidoo kale ka hadlay Madasha ayaa waxa uu sheegay inay xukuumada Biixi ku fashilantay dhameystirka diiwaangelinta, isagoona ka dhawaajiyey in xukuumada laga filayey inay diiwaangelintaasi dhameystirto si doorashooyinku ugu qabsooman waqtigooda.

Waxa ugu dambeyntiina la hadlay warbaahinta Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud oo ka mid ah Culimada Somaliland kana tirsan Madasha, ayaa wuxuu ku baaqay in Dastuurka ay reer Somaliland qorteen lagu dhaqo oo aan lagu tuman sharciga.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this