Sign in to follow this  
Deeq A.

Thaabit oo war xasaasi ah ka soo saaray dagaalkii maanta ee xaafadda Jaamacadaha ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa qoraal kasoo saaray dagaalada ku saabsan dhulalka Danta guud ee Dowladda Soomaaliya gaar ahaan midkii galabta ka dhacay Xaafadda Jaamacadaha ee Magaalada Muqdisho.

Thaabit ayaa Dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay si nabadgalyo ah ku wajahdo marka la doonayo in dadka laga kiciyo Guryaha danta guud ee Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho halkii laga shaqeyn lahaa inuu dhiig daato weliba iyadoo lagu guda jiro Bishii Barakeysneyd ee Ramadaan.

Halkaan hoose ka akhriso hadalka Guddoomiyiihii hore ee Thaabit uu soo dhigay bartiisa Facebook:

Arimaha dhulalka danta guud oo ay dowladdu leedahay guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaan ku baaqayaa marka dowladdu usoo baahato in Guddiga loo xilsaaray ay si nabad ah, dhimrin leh u wajahaan oo marwalba wadada nabadda loo maro oo uusan dhiig ku daadan. Gaar ahaan xasaradda ka taagan soonaha jaamacaddaha ilaa iyo Ex-kontorool Afgooye oo galabta shaqaaqo ka dhacday.

Waxaa lagu jiraa dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadan waana laga fiican yahay in dad shacab ah ku barakacaan dagaal dhiig ku daato, anigoo hubo in arrintaas wadahadal lagu dhameyn karo.

Waxaan ku baaqayaa in waanwaan wax lagu xaliyo, la iskuna turo maadama aanan sinna la isku huridoonin.

Dhulka danta guud ee dowladdu u baahato iney ugu adeegto shacabka soomaaliyeed waxaa haboon in loo maro wado nabdoon oo aan abuurin rabshado iyo xasilooni darro, madaama qofka deganba uu yahay muwaadinka la doonaayo in loogu adeego.

Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah. 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this