Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamad Ku Taalla Ingiriiska Oo Xukun Ku Riday Nin Soomaali Ah Iyo Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Cardiff)-Maxkamadda Degmadda Grangetown ee Koonfurta Caasimada Gobalka Wales ee Cardiff ee dalkaasi waxay Xabsi 19 sanno ah ku riday nin Soomaali ah oo lagu helay inuu dhawaac u geystay Gabadh ay saaxiibo ahaayeen.

AHMED-ALI.jpg

Axmed Cali oo 34 jir ayaa lagu helay inuu saaxiibadiis oo lagu magacaabo Oliviya Spinks uu Luqunta iyo Madaxa ka dhaawacay.
Maxkamadda waxaa loo soo gudbiyey Muuqaalo CCTV oo muujinaya iyadoo uu Eedeysanuhu dharaar cad ku eryanaya saaxiibtiisa badhtamaha Degmadda Grangetown.

Eedeysanaha iyo Saaxiibtiisa waxaa la sheegay inay xidhiidh lahaayeen muddo 4-sanno ah, isla markaana ay si wadajir ah u noolaayeen.

Maxkamadu waxay kaloo dhegeysatay inuu Eedeysanaha maseer dartiisa uu falkaasi u geystay, kadib markii uu arkay saaxiibtiisa oo nin kale la joogta.

Eedeysnaha ayaa la sheegay inuu isku dayey inuu soo iibsado labo Mindiyaha Jikadaha oo cabirkoodu dhana yahay 12 inch, balse loo diiday in laga iibiyo mindiyahaasi, maadaama oo aani wadanin wax Waraaqo Aqoonsi ah (ID Cards).

Eedeysane Axmed Cali oo la sheegay inuu deggan yahay Degmadda Butetown ee magaalada Cardiff waxaa lagu soo oogay Isku-day Dil, waxaana lagu xukumay Xabsi 19-sanno ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this