Sign in to follow this  
Deeq A.

Afar degmo oo caawa ku baratamaya tartanka Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Tartan aqooneedka Shabelle oo maraya heer gabagaba ah ayaa waxaa caawa si rasmi ah u bilaabanaya wareega Sama-Finalka ee Tartanka.

Illaa 4 degmo ayaa u soo gudbay wareegan, kuwaas oo kala ah Howlwadaag, Dharkenley , Shibis iyo Xamarweyne oo ka wada gobolkan Banaadir.

Tartanka u dhexeeya degmooyinkan ayaa waxaa la qaban doonaa caawa, iyadoona lugta ugu horreysa ay isku arki doonaan degmooyinka Howlwadaag iyo Xamaraweyne, waxaana kulankaasi uu soo geli doono 7:30 Habeenimo.

Sidoo kale tartanka xiga ayaa waxa uu dhex mari doonaa Shibis iyo Dharkenley, waxaana la qaban doonaa 10:00-ka habeenimo, sida uu shaaciyay guddoomiyaha guddiga tartan aqooneed Shabelle Maxamed Axmed Jimcaale.

Howlwagaad iyo Xamaraweyne degmada badisa ayaa waxa ay tagi doontaa Final, halka Shibis iyo Dharkenley cida badiso ay sidoo kale iska xaadiri doonto wareega kama dambeysta ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Taaba gelinta sanakan tartan aqooneedka Shabelle waa shirkadaha Beco iyo Coca-Cola, halka su’aal diyaarintuna uu yahay Adult Commercial Secondry School.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this